Home - Uncategorized - Qaramada Midoobey oo sheegtay in Daacish ku xoogeysatay Bariga Soomaaliya.

Qaramada Midoobey oo sheegtay in Daacish ku xoogeysatay Bariga Soomaaliya.

Warbixin ay siideysay Qaramada Midoobey ayey ku sheegtay in Ururka Daacish Garabkiisa Soomaaliya uu si xoogleh ugu kordhayo Gobolka Bari ee Soomaaliya.

Warbixintan oo ay soo bandhigeen Qubaro Qaramada midoobey u qaabilsan la socodka  Daacish iyo dhaq dhaqaaqyadeeda  ayey ku sheegeen in marka loo eego Sanadkii hore iyo Sanadkan ay Daacish Ciidan badan  ka qorotay Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Bari.

Waxaa lagu xusay in Sanadkii 2016kii ay tiro ahaan dhamaayeen 24 Qof,laakiin ay hadda marayaan 200 Ciidan ah iyo saraakiishooda.

Weerar uu dhawaan Mareykanka ka fuliyay Bariga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sidoo kale uu muujinayo kororka Daacish ee Soomaaliya.

Madaxa Sirdoonka Puntland ayaa sheegay in weerarkii dhawaan mareykanka ka geystay Gobolka Bari ay ku dhinteen 20 ka mid ah Ciidamada Daacish oo saddex ka mid ah ay Ajannabi Carab ah ahaayeen.

C/Risaaq Ciise Xuseen Madax sirdoonka Puntland ayaa sheegay in weerarkaas lala damacsanaa Hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya C/Qaadir Cali Muumin,laakiin uu ka badbaaday,laakiin ay weerarkaas ku dhinteen 20 ka mid ah Ciidamadiisa.

Warbixintan oo ay heshay Rueters ayaa lagu sheegay in loo baahanyahay in wax laga qabto Daacishta ku xoogeysaneysa Soomaaliya si kuwa ku jabay Dalalka Ciraaq iyo Syria aysan Soomaaliya u degin.

 

307 comments

  1. Im obliged for the post.Thanks Again. Will read on

  2. like they are coming from brain dead visitors?

  3. This is a very good tip particularly to those new to the blogosphere. Brief but very accurate info Thank you for sharing this one. A must read post!

  4. Some really fantastic articles on this web site , regards for contribution.

  5. You made some decent factors there. I looked on the internet for the challenge and situated the majority of people will associate with along with your website.

  6. quite good put up, i certainly enjoy this web web site, keep on it

  7. I simply could not depart your site prior to suggesting that I actually loved the usual information a person supply on your visitors? Is gonna be back often in order to inspect new posts.