Home - Wararka Somalia - Faahfaahin: Injineero ku dhaawacmay Qarax Gaari loogu xiray

Faahfaahin: Injineero ku dhaawacmay Qarax Gaari loogu xiray

Labo Qof ayaa ku dhaawacmay Qarax Gaari ay wateen loogu xiray kaasi  oo ka dhacay Xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Wariye ka tirsan Mustaqbal oo ku sugan Goobta ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay meel ku dhow Masjidka Ramadaan.

Maamulka Degmada Hodan iyo Afhayeenka Hay’adaha Amniga Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Labada Qof ay ahaayeen Injineero ka shaqeynayay Dhismaha Guri Qabyo ah.

Mas’uuliyiintaan ayaan sheegin cida leh dhismaha ay ka shaqeynayeen waxaase ay dhinaca kale ugu baaqeen Dadka in ay iska ilaaliyaan qaraxyada lagu xiro gawaarida.