Home - Wararka Somalia - Rag u dhashay Burundi kuni biiri rabay Al-shabaab o lagu xiray Kenya

Rag u dhashay Burundi kuni biiri rabay Al-shabaab o lagu xiray Kenya

Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 4; Nin oo u dhashay Dalka Burundi kuwaas oo uu qorshahooda ahaa in ay ku biiraan Al-shabaab.

Boolisku waxaa ay sheegeen in Raggan ay ka soo safreen Magaalada Bujumbura ee caasimadda Dalka Burundi ilaa Kenya kaddibna ay safar hoose ku galeen degaanka Isiolo iyaga oo  damacsanaa in ay  Mandheera maraan kaddibna Soomaaliya sidaas ku galaan.
Magacyada afarta Qof ee ay gacanta ku dhigeen Booliska Kenya ayaa lagu kala sheegay Ntakarutimana Benerd, oo 41 jir ah , Niyongere Yusuf, 32 jir ah , Nshimirimana Fulgnce Shadady, oo 31jir ah  iyo  Bizoza Abderauf, oo 20  jir ah.

Shalay Gelinkii dambe ayaa lagu qabtay Bar koontarool oo ku taalal Degaanka Isiolo,halkaas oo ay Ciidamada baaritaan ku sameeyeen sidaasna ku heleen.

Booliska Kenya ayaa Bishii June gacanta ku dhigay 5; Kenyaan ah oo ku soo jeeday Soomalaiya kuwaas oo ay Ciidamada xireen kaddib markii ay heleen xogta dhallinyaradaaas oo ku sii socday Soomaaliya.

Ragga Burundeeska ah ee shalay la qabtay ayey Booliska Kenya sheegeen in loo wareejiyay Magaalada Nairobi ee xarunta dalkaas halkaas oo ay hadda Xabsi ku jiraan kaddibna ku wajihi doonaan Maxkamadda qaadda dacwadda loo heysto ee Argixisanimada.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*