Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - RASMI: “FIFA Oo Qiimeynta Qaramada Aduunka Sameysay, Waa Kuwee 10-ka Qaran Ee Africa Ugu Sareya”

RASMI: “FIFA Oo Qiimeynta Qaramada Aduunka Sameysay, Waa Kuwee 10-ka Qaran Ee Africa Ugu Sareya”

Xiriirka kubadda cagta  aduunka ee FIFA ayaa si rasmi ah usoo saaray Qiimeynta Qaramada Aduunka bishii lasoo dhaafay ee July, Qiimeyntaan ayaana ah mid bille ah.

Xulka qaranka Brazil ayaa dib ugu soo laabtay hogaaminta qiimaynta xulalka qaramada aduunka ee FIFA waxayan hogaanka kala soo laabteen Germany oo bishii hore kaalinta kowaad galay. Brazil ayaa qiimaybtii hore kaalinta labaad kaga jirtay balse hadda waxay ku jirtaa kaalinta kowaad.

Germany ayaa kaalinta labaad u dhacay halka Argentina ay kaalinta saddexaad ku jirto laakiin xulka qaranka Switzerland oo wacdaro ka soo muujiyay isreeb reebka koobka aduunka ee qaramada Yurub ayaa kaalinta afraad soo galay halka Poland ay booska shanaad ku jirta. Portugal ayaaa kaalinta lixaad ku jira iyada oo xulka qaranka Chile uu kaalinta 7 aad u dhacay.

Colombia ayaa booska 8 aad ku jirta waxaana tobanka kaalmood ee ugu sareeya dhamaystiray Belgium iyo France oo kaalinta 9 aad iyo 10 aad ku kala jira sida ay u kala horeeyaan. Tobanka xul qaran ee aduunka ugu qiimaynta sarreya ayaa ah 4 xul qaran oo South America ah iyo 6 xul qaran oo Yurub ka soo jeeda ah.

 

Hoos Kaga Bogo Qiimaynta FIFA Ee Qaramada Aduunka ee Bishii July

  1. Brazil (kaalintii bishii july 2)
  2. Germany (1)
  3. Argentina (3)
  4. Switzerland (5)
  5. Poland (6)
  6. Portugal (5)
  7. Chile (7)
  8. Colombia (8)
  9. Belgium (10)
  10. France (9)

Sidoo Kale Tobanka Xul Qaran Ee Afrika Ugu Qiimaynta Sareeya

  1. Egypt ( kaalintii bishii july 24)
  2. DR Congo (28)
  3. Senegal (27)
  4. Tunisia (34)
  5. Cameroon (36)
  6. Nigeria (39)
  7. Burkina Faso (44)
  8. Algeria (48)
  9. Ghana (50)
  10. Ivory Coast (56)

 

W/Q Abdullahi Hussein