Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - RASMI: Harry Redknapp oo loo magacaabay macalinka Birmingham.

RASMI: Harry Redknapp oo loo magacaabay macalinka Birmingham.

Maamulhii hore ee kooxaha Tottenham iyo QPR Harry Redknapp ayaa loo magacaabay macalinka joogtada ah ee kooxda Birmingham City.

Macalinkii Hore ee Kooxda Tottenham ayaa waxaa horyaala shaqo adag waxaana laga doonayaa inuu kooxda ka bad-baadiyo ulaabashada heerka xiga.

Macalin Gianfranco Zola ayaa iska casilay shaqadii macalin nimo ee uu kooxda ka hayay waxaana uu kooxdan maamulayay kaliya 4 bil.

Macalin Redknapp ayaa 34 sano waayihiisa ciyaareed ku qaatay leylinta kooxaha waxaana laga doonayaa inuu kooxda kusoo celiyo bandhigeeda sareeya kulanka ugu soo horeeya waxa uu leylin doonaa ciyaar ay kooxdu wajaheyso kooxda Aston Villa.

70 sano jirkaan ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo sanadkii hore markaa oo uu ka fariistay shaqadii uu ka hayay xulka qaranka Jordan.

Redknapp ayaa howsha maamulka kubadda cagta ku lug lahaa tan iyo sanadii 1958 waxaana kooxaha uu soo leyliyay kamid ah AFC Bournemouth , West Ham United , Southampton , Tottenham , QPR & Jordan.

 

Ad