Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - RASMI : Neymar oo seegaya kulanka El Classico.

RASMI : Neymar oo seegaya kulanka El Classico.

Ciyaar yahanka qaranka Brazil iyo kooxda Barcelona Neymar Jr ayaa la xaqiijiyay inuu seegayo kulanka adag ee caawa dhex maraya kooxda Real Madrid & Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa ku guul dareysatay inay racfaan ka qaadato ganaaxa xidigeeda waxaana uu Casaan qaatay kulan ay kooxdiisu guul darro 2:0 ah ka qaadatay kooxda Malaga.

Neymar ayaa ganaaxii ka dhashay casaankii uu qaatay ku maray kulankii ay kooxdiisu 3:2 kaga adkaatay kooxda Real Sociedad.

Xiriirka Kubadda Cagta Spain qeybta uqaabilsan Anshaxa ayaa ka biyo diiday racfaankii ay kooxda Barcelona ka qaadatay ganaaxa kooxdiisa ciyaarta oo ay ka harsan tahay 12 daqiiqo.

Kooxda Macalin Luis Enrique ayaa kulanka caawa wajaheysa caqabada ugu weyn waana maqnaashaha Neymar booskiisa ayaa la filayaa inuu kusoo bilowdo Alcacer.

Ad

One comment

  1. Caawa xaalku waa xunyahay