Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Real Madrid oo dhibic ujirta hanashada horyaalka & Ronaldo oo rikoor dhigay.

Real Madrid oo dhibic ujirta hanashada horyaalka & Ronaldo oo rikoor dhigay.

Cristiano Ronaldo ayaa jebiyay rikoorka gool dhaliyaha ugu sareeya Europe oo yaalay 46 sano xilli ay kooxdiisa Real Madrid ujirsatay dhibic kaliya hanashada horyaalka.

Ronaldo oo 31 sano jir ah ayaa dhaliyay goolka hore ee ciyaarta kaasi oo ahaa goolkiisii 367-aad ee horyaalada Yurub waxaana rikoorkan difaacanayay Jimmy Greaves oo 1971 dhigay rikoorkan.

Ronaldo ayaa hogaanka udheereeyay kooxdiisa , Joh Guidetti ayaa goool uceliyay kooxdiisa Celta Vigo , Karim Benzema iyo Kroos ayaana ugu dambeyn natiijada uxaqiijiyay Los Blancos.

Real Madrid waxa ay doonayaan dhankooda inay horyaalka ku guuleystaan markii ugu horeysay tan iyo 2012 waxaana ay ujiraan kaliya 1 dhibic.

Barcelon rajadeeda horyaalka waa mid adag waxaana ay ku xiran tahay inay guul gaaraan kulankooda uharay isla markaana laga adkaado kooxda Real Madrid.

Kooxda Real Madrid ma guul dareysan tan iyo 23-kii April markaa oo ay 3;2 guul darro ah ay kala kulmeen dhigooda Barca kulankii El Classico tan iyo xilligaa waxa ay guuleysteen 6 kulan oo xiriir ah kulamada horyaalka.

Liiska Gool dhalinta 5-ta Horyaal ee Yurub ugu sareeya :-

367 Cristiano Ronaldo (Manchester Unite & Real Madrid)