Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Real Madrid oo ka adkaatay Bayern Munich una gudubtay Semi Final-ka.

Real Madrid oo ka adkaatay Bayern Munich una gudubtay Semi Final-ka.

Kooxda Real Madrid ayaa guul ka gaartay kooxda Bayern Munich kulanka lugta labaad ee wareega 8-da ee tar-tanka Champions League.

Real Madrid ayaa kulankii lugta hore ee ka dhacay Germany waxa ay ku adkaadeen 2:1 , xalay ayeyna mar kale ka adkaadeen kooxda Bayern ciyaar ku idlaatay 4:2.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolka hore ee ciyaarta kooxda Real waxaana waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray uu ku guuleystay inuu dhameystiro Saddexleydiisa kulanka.

Kooxda Germany ee Bayern Munich ayaa kulankii lugta hore ee Alianz Arena waxaa guul darardeeda loo sababeeyay Casaankii Javi Martinez , xalay ayaa hadana waxaa mar kale Casaan ka qaatay Arturo Vidal.

Kooxda Real Madrid oo kulankii hore 2:1 ku adkaatay ayaa kulankii lugta labaad ee xalay waxa ay ku guuleysteen 4:2 , taasi oo cel-celis ahaan ah 6:3 inay kusoo baxday Real Madrid.

Ad