Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Real Madrid oo ogolaatay in United ay ka iibiso Gareth Bale”

Real Madrid oo ogolaatay in United ay ka iibiso Gareth Bale”

W/Q: (Abdullahi Hussein)  Real Madrid ayaa ugu danbayntii ogolaatay inay ka iibiso laacibkeeda Gareth Bale kooxda Manchester United.

Tababare Zidane ayaan doonayn in Gareth Bale uu la sii joogo kooxda kadib dhaawacyo hareeyay ciyaaryahanka reer Wales sida ay baahisay El Confidencial.

Zidane ayaana doonaya inuu intabadan ciyaarsiiyo Isco kaas oo ku jira qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa tan iyo markii uu ku soo biiray Real Madrid.

Kooxda reer Spain ayaa ku fasaxaysa Gareth Bale lacag dhan 89 milyan oo Ginni, waxayna horay ugu soo iibsadeen lacag dhan 85 milyan oo Ginni.

Laakiin dhaawacyada badan ee Gareth Bale ayaa walwal badan ku haaya tababare Jose Mourinho kaas oo doonaya inuu si joogto ah u ciyaarsiiyo.