Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Real Madrid oo raadineysa daaficii ubedeli lahaa Pepe.

Real Madrid oo raadineysa daaficii ubedeli lahaa Pepe.

Kooxda Real Madrid ayaa markan heshay daaficii ay ku bedeli lahaayeen daafaca ka duqooway garoonka Benabeu ee Kipler Lima Pepe.

Website-ka Goal.com oo xiganaya TyC Sports ayaa ku waramaya in markaan maamulka Madrid ay ku taamayaan sidii ay uheli lahaayeen daafaca kooxda City ee Nicolas Otamendi.

Daafaca dambeedka dhexe ee reer Argentina oo markan 29 sano jir ah ayaa kooxda City waxa uu kaga soo biiray kooxda reer Spain ee Valencia sanadii 2015 , sanadkan ayuu kooxdiisa kasoo muuqday 20 kulan oo Premier League ah.

Pepe oo 33 sano jir ah ayaa la hadal hayaa inuu ka tagayo kooxda Real Madrid waxaana dalabyo qaali ah uu ka helayaa kooxaha ka dhisan horyaalka Chinese Super League.

Kooxda Cadaanka oo difaacaneysa tar-tanka Champions League ayaa bartil maameed saneysa daafacan reer Argentina waxaana uu yahay dooqooda koowaad.

Ad

Fikirkaada ka dhiibo