Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Real Madrid oo sii carbuunatay bookeeda wareega 8-da ee Champions League.

Real Madrid oo sii carbuunatay bookeeda wareega 8-da ee Champions League.

Kooxda Real Madrid ayaa kasoo laabatay gool uu bilowgii qeybtii hore ee ciyaarta ka dhaliyay ciyaar yahan Lorenzo Insigne kulan ay 3:1 kaga adkaadeen kooxda Napoli.

Kooxda Martida aheyd ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay intii lagu jiray 10-kii daqiiqo ee ugu horeeyay waxaana gool cajiib ahaa dhaliyay weerar yahankooda Lorenzo Insigne kubad laga soo dhiibay qeybta dhexe ayuu kusoo baxay gool haye Kaylor Navas waxaase taabasho cajiib aheyd sameeyay Insigne.

Balse Karim Benzema ayaa dhaliyay 11 daqiiqo kadib goolka bar-baraha ciyaarta waxaana uu ahaa karoos ka yimid Dani Carvajal.

Toni Kroos iyo Casemiro ayaa kooxda Real Madrid uxaqiijiyay guushooda kulanka lugta 1-aad ee wareega 16-ka ee tar-tanka Uefa Champions League.

Labada koox ayaa kulanka lugta labaad isku arkaya garoonka kooxda Napoli ee Talyaaniga taariiqdu markey tahay 7-da bisha March ee ina soo aadan.