Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Rikooradii laga bartay kulankii Leicester City iyo Atletico Madrid.

Rikooradii laga bartay kulankii Leicester City iyo Atletico Madrid.

Kooxda Leicester City waxa ay aheyd kooxda kaliya ee ka socotay Britain ee soo gaartay wareega Sideed dhamaadka tar-tanka Champions League.

Kulankii lugta hore ee ay la ciyaareen kooxda Atletico waxaa uu ku idlaaday 1:0 oo looga adkaaday kooxda reer England.

Kulankii lugta labaad ee xalay ka dhacay King Power Stadium waxa uu ku idlaaday bar-bar dhac 1:1 ah waxaana natiijadu cel-celis ahaan tahay 2:1 oo ay kusoo gudubtay kooxda Atletico Madrid.

*Saul Niguez ayaa dhaliyay gool kulankii xalay King Power Stadium kaliya Edison Cavani iyo Robert Lewandowski oo min 4 gool dhaliyay kulamada banaanka ah tar-tanka sanadkan ayaa ka horeeya 3 gool ayuu dhaliyay kulamada uu ku ciyaaro meel ka baxsan garoonka kooxdiisa.

*Goolkii Saul Niguez waxaa uu ahaa kii 100-aad oo ay kooxda Atletico Madrid ka dhaliso tar-tanka Champions League kadib 68 kulan oo ay tar-tankan kasoo muuqatay.

*Filipe Luis ayaa gool caawiye ka noqday laba kulan oo isku xiga dhamaan tar-tamada kulamada kooxda Atletico waana markii ugu horeysay tan iyo bishii October 2013.

*Jamie Vardy ayaa goolkiisa waxa uu ahaa midkii ugu horeeyay ee uu wareegan ka dhaliyo ciyaar yahan England ah waxaana ugu dambeeyay Frank Lampard oo 2012 gool ka dhaliyay wareegan oo kale.

*Labo gool oo uu Jamie Vardy ka dhaliyay tar-tanka Champions League waxa ay yimaadeen xilliga kulamada bug baxda ah.

*Kooxda Leicester City ayaa sanadkan ka baxday Champions League iyaga oo aan laga adkaan kulamada garoonkooda waxaana 5 kulan oo ay ciyaareen natiijadoodu noqotay 4 kulan oo ay guul gaareen iyo 1 kulan oo bar-baro ah.