Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Rikooradii laga bartay kulankii Monaco iyo Borussia Dortmund.

Rikooradii laga bartay kulankii Monaco iyo Borussia Dortmund.

Kooxda hogaamineysa horyaalka France ee AS Monaco ayaa xalay markii labaad waxa ay dhulka la simeen kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund.

Monaco ayaa labadii kulan ee labada lug waxa ay ka dhalisay kooxda Germany ka socota 6 gool oo min 3 gool ay ku dhaliyeen kulamada loo yaqaan mini iyo marti.

*Kooxda Borussia Dortmund ayaa guul dareysatay 9 kulan oo kamid ah 12 kulan oo ay tar-tanka Champions League wareegiisa bug baxda ciyaareen.

*Radamel Falcao ayaa dhaliyay 39 gool waayihiisa tar-tamada Yurub ee Uerope League & Champions League tan iyo bishii October 2009 markaa oo uu wacdaro ku dhigay kooxda Chelsea waxaa ka badan Lewandowski oo dhaliyay 41 gool , Messi oo dhaliyay 77 gool iyo Ronaldo oo dhaliyay 85 gool.

*Marco Reus ayaa si toos ah ugu lug yeeshay 15 gool 13 kulan oo uu champions league kasoo muuqday 11 gool isaga dhaliyay 4 kalena saaxiibadiisa ayuu ka caawiyay.

*Kylian Mbappe ayaa noqday ciyaar yahankii ugu horeeyay ee tar-tanka Champions League Afarta kulan ee kala baxa gool ka dhaliya.

*Kylian Mbappe ayaa noqday ciyaar yahankii 6-aad ee Champions League 4 kulan ee uu kusoo bilwoday gool dhaliya waxaana ciyaar yahankii ugu dambeeyay uu ahaa Diego Costa oo 2014 sameeyay.

*Thomas Lemar ayaa noqday ciyaar yahankii ugu horeeyay ee gool caawiya 4 kulan oo isku xiga tar-tanka Uefa Champions League wareegiisa bug baxda ciyaar yahankii ugu dambeeyay ee sidan oo kale sameeya waxa uu ahaa Andres Iniesta oo sameeyay bishii May 2011.