Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Rikooradii laga bartay kulankii Real Madrid iyo Bayern Munich.

Rikooradii laga bartay kulankii Real Madrid iyo Bayern Munich.

Kulankii Champions League ee xalay dhex maray kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa laga diwaan geliyay rikooro & taariiqo dhowr ah.

Kooxda Real Madrid ayaa kulankii lugta labaad ka adkaatay kooxda Germany ee Bayern Munich waxaana ay cel-celis ahaan ay kaga soo gudubtay 6:3.

*Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay Saddexleey goolal ah waxaana ay lamid tahay inuu noqday ciyaar yahankii ugu horeeyay ee taariiqda Champions League ka dhaliya 100 gool.

*Hal Habeen oo isku mid ah ayey kooxaha kawada dhisan magaalada Madrid usoo baxeen wareega Afar dhamaadka waana mid uwanaagsan Caasimada Spain.

*Kooxda Real Madrid ayaa iminka usoo gudubtay wareega Semi Final-ka Todobo xilli ciyaareed oo xiriir ah ayeyna iska xaadirineysaa wareegan waana markii ugu dheereyd taariiqda.

*Kooxda Bayern Munich ayaa markii ugu horeysay guul dareysatay labada lug ee wareega bug baxda waana markii ugu horeysay tan iyo April 2014 , waxaana xilligaa sidan oo kale cel-celis ahaan 5:0 ku reebtay Real Madrid.

*Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 9 gool kulamada uu wajahay kooxda Bayern Munich waxaa ka badan kaliya Lionel Messi oo Arsenal goolal intaa ka badan ka dhaliyay kulamadii uu wajahay.

*Lewandowski ayaa dhaliyay 6 gool kulamada uu wajahay kooxda Real Madrid tar-tanka Champions League waana midka ugu badan.

*Casaankii Arturo Vidal waxa uu ahaa kii 19-aad ee kooxda Bayern Munich kulamada Champions League waxaana ka badan kaliya kooxda Juventus oo tar-tankan xidigaheedu ka qaateen 22 casaan.

*Cel-celiska da’da ciyaar yahanada Bayern Munich ee kusoo bilowday kulankii xalay waxa ay aheyd 30 sano 116 maalin , waana safkoodii ugu da’da weynaa ee taariiqda Champion-ka garoon ugala kooxda.