Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Ronaldo oo raadinaya goolkiisii ugu horeeyay ee Champions League.

Ronaldo oo raadinaya goolkiisii ugu horeeyay ee Champions League.

Cristiano Ronaldo oo ah xidiga ugu wanaagsan dunida sidoo kale sanadkii dhamaaday ee 2016 bilado kale oo dhowr ah ayuu ku guuleystay balse xidiga Portugal ayaa ku dhibaatoonaya inuu gool udhaliyo kooxdiisa.

Cristiano ayaan gool dhalin 523 daqiiqo oo uu kasoo muuqday kulamadii ugu dambeeyay oo ay kooxdiisu ciyaartay , waxa uu dhaliyay 2 Gool Champions League xilli ciyaareedkan waxaana uu ka dhaliyay kooxaha kala ah Sporting Lisbon iyo Borussia Dortmund heerka guruubyada ee tar-tanka.

Ronaldo ayaan wax gool ah dhalin kulankii ay kooxdiisu 3:1 kaga adkaatay kooxa Napoli ciyaar ka tirsaneyd wareega 16-ka Champions League kulanka lugta koowaad.

Ronaldo ayaana baadi goob ugeli doona inuu dhaliyo goolkiisii ugu horeeyay ee masraxa Yurub kulanka ay lugta labaad kooxdiisu uduuleyso Talyaaniga 7 March.

Magaca Ronaldo ayaanan sanadkan ka dhex muuqan liiska gool dhaliyeyaasha ugu sareeya tar-tanka xagaagan waxaana uu ahaa dhaliyihii ugu sareeyay xagaagii inaga dhamaaday , balse waxaa uu kasoo muuqday liiska caawiyeyaasha ugu sareeya 5 caawinaad ayaa loo diwaan geliyay.

Ad