Home - Wararka Somalia - Ruushka: “Mareykanka iyo saaxiibadii 100 gantaal ayey rideen badankood waan qabannay”

Ruushka: “Mareykanka iyo saaxiibadii 100 gantaal ayey rideen badankood waan qabannay”

Wasaaradda Difaaca Dalka Ruushka ayaa war ka soo saartay weerarka saaka Mareykanka iyo Xulafadiisa ay kula jarmaadeen dalka Syria.

Warbixin war yar ka hor ay soo saartay Wasaaradda Difaaca Dalka Ruushka ayey ku sheegtay in Mareykanka,UK iyo France ay wax ka badan 100 Gantaal ku rideen dhulka Syria islamarkaana Nidaamka difaaca gantaalaha ee Syria uu fashiliyay kuwo badan.

Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in Ruushka uusan wali tallaabo qaadin,islamarkaana hadda dowladda Syria ay ku jirto iska difaacidda weerarka gardarrada ah ee uga imanaya Mareykanka iyo isbaheysiga la socda.

Dhinaca kale war ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibbadda Ruushka ayey ku sheegtay in Syria ay ka bad baadday Gugii Carabta,sidoo kale ka bad baadday Ololihii Daacish ee 2014/2017,haddana ay wajaheyso waxa ay ku tilmaameen Gantaallada caaqilka ah ee Mareykanka.

Dowladda ruushka ayaa sheegtay in 103 Gantaal ay Mareykanka iyo Xulafadiisa iyada oo 71 ka mid ah Gantaalladaas la bur buriyay waxaana loo adeegsaday Nidaamka difaaca ee  S-125, S-200, 2K12 Kub iyo  Buk,kuwaas oo uu sameeyay Ruushka.

Maria Zakharova, oo ah Ahayeenadda Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa barteeda Facebook ku qortay in waxa saaka ka socda Syria ay yihiin gar darro lagu sameeyay Caasimad dal madaxbanaan.

Warbaahinta Syria ayaa sheegtay in Gantaallo laga tuuray Badda iyo Cirka oo ku wajahnaa Saldhigyada Ciidanka Syria ee Xumur,Xmaa iyo Dumishiq la soo riday intooda badan,kuwo dhulka ku dhacyna ay dad rayid ah wax ku noqdeen.

5 comments

  1. wow, awesome blog article.Thanks Again. Really Cool.

  2. I appreciate you sharing this blog article. Want more.

  3. “Wow! This blog looks just like my old one! It’s on a totally different topic but it has pretty much the same layout and design. Superb choice of colors!”

  4. I cannot thank you enough for the article.Really thank you! Will read on…

  5. Hey, thanks for the blog article.Much thanks again. Much obliged.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*