Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Ryan Giggs: Oo ka hadlay fursada Ay Man United ugu guuleysan karto Champions League”

Ryan Giggs: Oo ka hadlay fursada Ay Man United ugu guuleysan karto Champions League”

Xidigii hore ee  Man United  Ryan Giggs ayaa aaminsan in saxiixa Gareth Bale uu guud ahaan badali karo hamiga kooxda ee koobka horyaalada yurub isla markaana ay ka mid noqon karto kooxaha looga cabsado hanashada Champions League.

Balse Giggs ayaa  dareensan yahay in kooda hogaamineysa horyaalka Premier League aysan wali heysan awood kulan filan ilaa ay ka helayaan ciyaariyahan heer caalami ah sida Gareth Bale.

“Waxaad fiirineysaa kooxda haatan ee Man Unite, waxaadna is weydiineysaa iney ku guuleysan karaan Champions League. Miyey heystaan xidigahii lagu qaadi lahaa?” ayuu yiri Ryan Giggs oo fadhiya Sky Sports.

“Sida cad waxey heystaan fursad yar waqtigaan. waxaad heshay Paul Pogba iyo Romelu Lukaku, hadii uu dhameystiro awoodiisa Rashford, goolhayaha heerka caalami ee De Gea, hadii aad ku darto xidig sida Gareth Bale markaas ayaad ka hadli kartaa iney rajo ka leedahay Champions League”

Giggs wuxuu aaminsan yahay in kooxda ay u baahan tahay in la tayeeyo inkastoo Jose Mourinho uu dhawr jeer isku dayay inuu xagaagan lasoo saxiixdo Gareth Bale, hadana uma suuragalin madama xidiga reer Wales uu ku faraxsan yahay nolosha caasimadda.

United-ka ayaa xalay waxey 3-0 ku garaaceen naadiga Basel iyado ay guulasha ka heshay xidigaha  35′ Marouane Fellaini.  53′ Romelu Lukaku. Iyo 84′ Marcus Rashford.

W\Q: Maxamed Ahmed (Liyo)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*