Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Ryan Giggs: Oo Shaqso Cusub Oo Kubada Cagta Ah Ka Helay Vietnam”

Ryan Giggs: Oo Shaqso Cusub Oo Kubada Cagta Ah Ka Helay Vietnam”

W\Q: (Maxamed Ahmed Lio) Halyeeygii hore ee United-ka Ryan Giggs ayaa shaqo la taliyenimo ka helay akadeemiga kubada cagta ee Vietnam. Xidigii  Manchester United ayaa shaqadiisa cusub ka bilaabi doona Vietnamese Football Talents FC [PVF] 20ka bishaan November.

Shaqadiisa ma ahan mid joogta ah, laakiin waxa uu akadeemiga booqan doonaa dhowr maalmood labo jeer sannadkii oo ay ku jirto furitaanka akadeemiga ee isbuuca soo aadan.

Isagoo ka hadlayay shaqadaan cusub, Giggs ayaa yiri: “Waxa ay goordhow dhiseen akadeemik cusub sidaasi darteed aniga iyo Scholes waxaan seddex maalmood halkaas u tageynaa la talin, iyadoo mustaqbalka laga yaabo inaan isku xirno akadeemiga iyo kooxdeena Salford.

“Waxaan dhiseynaa akadeemigeena noo gaarka ah iyo jaamacad sidaasi darteed inaan xiriir la yeelano dunida inteeda kale waa ay ina caawineysaa. Akadeemiga cusub ee Vietnam waa mid adeegiisa uu cajiib yahay.”

Giggs ayaa hore loola xiriiriyay shaqo badan oo dhanka tababarenimada ah tan iyo markii uu shaqadii ku meelgaarka aheyd ee United ka tagay sannadii 2014, waxaana dhawaan lala xiriirinayay kooxaha Leicester iyo Everton.

Xiddigii hore ee ay Giggs iska garab ciyaari jiraan Paul Scholes ayaa isna door la mid ah ka qaban doona akadeemiga kubada cagta ee Vietnam.

Labada nin waxaa lagu soo dhaweyn doonaa xaflada furitaanka ee akadeemiga cusub isbuuca soo socda.

2 comments

  1. It’s difficult to find experienced people for this subject,
    however, you seem like you know what you’re talking about!
    Thanks

  2. You should take part in a contest for one of the finest sites on the
    net. I am going to highly recommend this blog!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*