Home - Wararka Somalia - Saraakiil Kenyaan ah oo ka badbaaday weerar ay kala kulmeen Al-shabab

Saraakiil Kenyaan ah oo ka badbaaday weerar ay kala kulmeen Al-shabab

10; ka mid ah Saraakiisha Maamulka Lamu ayaa ka badbaaday weerar kedis ah oo ay kala kulmeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku weeraray agagaarka Lamu.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Mambore-Mkokoni,halkaas oo Gaari ay la socdeen Saraakiisha ay Miino kula kacday kaddibna ay la kulmeen Rasaas kaga timid Ciidamo ka tirsan Al-shabaab.

Miidana ayaa Qaraxday markii uu gudbay Gaariga,iyada oo jajab yar uu gaaray Muraayadaha Gaariga ay wateen Saraakiisha sida uu sheegay Gilbert Kitiyo oo ka mid ahaa Saraakiisha weerarkaas la kulmay.

Waxaa uu sheegay in markii uu Qaraxa dhacay kaddib ay Rasaas kala kulmeen Ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo aad u hubeysnaa waxaana uu intaas ku daray in iyagana ay iska caabin sameeyeen.

Gilbert Kitiyo,ayaa sheegay in weerarkaas intii uu socdya ay Ciidamada la socday Saraakiisha ku guuleysteen in Ciidamada Al-shabaab ka adkaadaan islamarkaana ay ku cararaan keyn degaankaas ka agdhaweyn Ciidamada iyo Saraakiishana u suuragashay in iyaga oo bedqaba ay ka tagaan goobtaas.

Joseph Kanyiri, oo ah agaasimaha howlgalka Keynta Booni ayaa sheegay in Al-shabaab ay jidadka degaankaas ka buuxiyeen miinooyinka iyaga oo uu sheegay in ay ka baxayaan degaannada keynta kaddib markii Ciidamada dowladda xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabab.