Home - Wararka Somalia - Saraakiisha Ahlu Sunna oo isku khilaafsan Ciidanka la geeyay Xeraale

Saraakiisha Ahlu Sunna oo isku khilaafsan Ciidanka la geeyay Xeraale

Khilaaf u dhaxeeya Saraakiisha Ciidamada Maamulka Ahlu Sunna ee Gobollada dhexe ayaa ka taagay degaanka Xeraale ee Gobolka Galguduud.

Saraakiisha ayaa isku qabtay Ciidamo dhawaan la geeyay degaankaas oo ay dadka degaanka diideen ,iyada oo saraakiisha ugu sarreysa Ahlu Sunna ay sheegayaan in Xeraale ay maamulkooda hoostagto.

Maamulidda Xeraale waxaa isku heysta Galmudug iyo Ahlu Sunna,waxaana labada dhinac ay geeyeen Ciidamo,kuwaas oo laga baqayo in ay dhexdooda dagaallamaan.

Reeraha dega Xeraale ayaa dalbaday in laga dulqaado Ciidamada laga soo diray Dhuusamareeb ee la geeyay degaankaas,haddii kalena ay weerarayaan,iyada oo Saraakiisha ka soo jeedda Xeraale eek u jira AHlu Sunnana ay dalbanayaan in Ciidamada ka baxay Dhuusamareeb la soo celiyo,halka kuwo kalena doonayaan in ciidamadaas ay joogaan Xeraale.

Maamulka Galmudug ayaa Ahlu Sunna ugu baaqay in ay Ciidamada kala baxaan Xeraale,si ay u billowdaan wadahallo u dhaxeeya labada dhinac.

Sarkaal ka mid ah Ahlu Sunna oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in 24ka saac ee soo socota haddii ay xaaladda wax iska beddeli wayaan la filayo in uu dagaal ka dhex billowdo dhinacyada isku haya degaanka.

 

Ad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*