Home - Wararka Somalia - Saraakiisha Dowladda ee Hiiraan oo sheegay in ay isku dhiibeen xubno ka tirsan Al-shabaab

Saraakiisha Dowladda ee Hiiraan oo sheegay in ay isku dhiibeen xubno ka tirsan Al-shabaab

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Hiiraan ayaa Sheegay iney isku soo dhiibeen laba kamid ah Xarakada Al-Shabaab

Ragan ayaa la sheegay iney iska dhiibeen Degmada Maxaas, Halkaas oo ay ku suganyihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Degmada Maxaas ayaa inoo sheegay in raga isa soo dhiibay ay Bistoolado wateen lana soo xiriireen Maamulka kadibna la soo dhaweeyay.

Waxa uu Taliyaha ugu baaqay raga kale e eka Tirsan Al-Shabaab iney ku soo biiraan Dowladda si ay uga mid Noqdaan Ciidamada dowladdda ama shacab deegaanadooda lagu nabad galiyo.

Sarkaalkan waxaa uu sheegay in Labada Qof ee isku dhiibay uu midkood yahay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab,halka kan kalena uu yahay Askari Caadi ah.

Waxaa uu xusay in Raggaasi ay ka midyihiin dadka degaanka,islamarkaana ay ku biiri doonaan Ciidamada Dowladda ama ay si caadi ah ugu dhex noolaan doonaan dadkooda.

Ad

One comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*