Home - Wararka Somalia - Sarkaal ka tirsan Booliska Puntland oo ku dhaawacmay Qarax gaari loogu xiray

Sarkaal ka tirsan Booliska Puntland oo ku dhaawacmay Qarax gaari loogu xiray

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa saaka ka dhacay Qarax ay inta badan maqleen dadka Magaalada Gaalkacyo.

Qarax ayaa ahaa mid lagu xiray Gaari uu lahaa Sarkaal ka tirsan Booliska Puntland kaas oo magaciisa lagu sheegay Cali Magafe.

Sarkaalka ayaa Qaraxaas uu dhaawac ka soo gaaray sida ay xaqiijinayaan dadka Magaalada Gaalkacyo,waxaana la geeyay Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland.

Sarkaalka ayaa markii uu qaraxa qabsanayay Gaarigiisa waxaa uu marayay dhabarka dambe ee Madaxtooyada Gaalkacyo qeybta uu ka arrimiyo Maamulka Puntland.

Saraakiisha Booliska Puntland ayaa dhaawac sarkaalka ka qaaday goobta,waxaana Ciidamada kale ay billaabeen howlgal ay ka sameynayaan xaafadda uu Qaraxaas ka dhacay.

Filo wixii soo kordha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*