Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Savillia oo raacdeysay madaxeedii ciyaaraha

Savillia oo raacdeysay madaxeedii ciyaaraha

Kooxda kubadda Cagta ee Sevilla ayaa xaqiijisay in marka uu xagaagan dhamaado uu shaqada kooxdaas isaga tagayo agaasimaha dhinaca ciyaaraha ee Kooxda Oscar Arias.

Kaddib kulan deg deg ah oo ay yeesheen Maamulka Kooxda kaddib guul darradii 5-0ta ee Finalka Coppa Dele Rey ayaa waxaa ay guddiga isku raaceen in la ceyriyo agaasimaha halkii kaga ceyrin lahaa tababaraha.

Markii ay Barcelona dar dartay Sevilla waxaa soo baxday in tababaraha Kooxda la eryayo hayeeshee guddigu waxaa ay qaateen go’aan ka duwan kii laga filayay,waxaana hadda la eryay Oscar Arias.

Tababaraha Kooxda Sevilla Vincenzo Montella,ayaa shaashadaha ka soo muuqday isaga oo ku faraxsan go’aanka ay guddiga gaareen ee isaga aan lagu eryin.

Kulankii Barcelona waxaa uu ahaa kii 8aad oo xiriir ah oo kooxda ay la kulantay guul darro dhamaan tartamada,waxaana Maamulka isla garteen in mushkiladda uu yahay ninka dhinaca suuqa u qaabilsan ee uusan tababare Vincenzo Montella ahayn.