Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Sergio Bosquets muxuu ka yiri guul daradii PSG ee Champions League.

Sergio Bosquets muxuu ka yiri guul daradii PSG ee Champions League.

Kubad Bur-buriyaha xulka Spain iyo kooxda Barcelona Sergio Bosquets ayaa ka yaabsaday saxaafada caalamka iyo taageerayaasha kooxda Barcelona kadib markii uu sheegay inaysan laheen qaab ciyaareed jihaysan.

Majalada kasoo baxda Spain ee AS ayaa bogeeda ugu horeeya waxay ku qortay hadalka kasoo yeeray Sergio, iyagoona hadalka xidigan ku fasiray inuu ku durayo macalin Luis Enrique.

Bosquets ayaa si aan gambasho laheen usheegay in kooxda PSG ay latimid qaab ciyaareed jihaysan, balse ay kooxdiisa haysan qorshe lamid ah qorshaha PSG.

Kulankii ay guuldarada la kulmeen kadib, Bosquets oo saxaafada lahadlay ayaa yiri “waxay ahaayeen kuwo dhan kasta nooga wanaagsan, natiijadu waxay ahayd mid niyad jab ah balse kubada cagta ayaa sidaan iska ah, waxay ahaayeen kuwo si wanaagsan unidaamsan, masaafooyinka oo idil ayeey nagaxireen, qaab ciyaareed wanaagsan ayeyna soo bandhigeen, waxaa iskacadeed inay haysteen qorsho wanaagsan oo ay soo bandhigeen”.

Bosquets ayaa hadalkiisa kusoo xiray “bandhig wanaagsan ma aanan soobandhigin, khaladaad ayaan samaynay, waxaa adag in taageerayaashu ay rumaystaan inaan dib usoo laaban karno kulanka lugta labaad, xaaladu waa mid adag, balse dadaal ayaan samayn doonaa”.

Ad

Fikirkaada ka dhiibo