Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Sergio Ramos oo ku camirtay Barcelona kadib guushii Real Madrid ee Napoli.

Sergio Ramos oo ku camirtay Barcelona kadib guushii Real Madrid ee Napoli.

Kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa ku maadeystay kooxda ay xafiltamaan ee Barcelona kadib markii uu xaqiijiyay guusha kooxdiisa ee kulanka wareega 16-ka Champions League.

Sergio ayaa soo bandhigay sida uu ugu farax sanahay inuu ku arko kooxda ay ku loolamaan Elcalasico oo ku guul dareysaneysa kulan weyn oo tar-tanka Champions League ah.

Kooxda Real Madrid ayaa qeyb ahaan xaqiijisatay booskeeda wareega 8-da ee tar-tanka kadib guul 3:1 ah oo ay garoonkooda kaga adkaadeen kooxda Talyaaniga ah ee Ssc Napoli.

Kadib guushii Real Madrid Ramos ayey warfidiyeenku hor dhigeen su’aal ah “miyaad ku farax san tahay guul daradii Barcelona , si fudu oo dhib yar waxaan ku jawaabi karaa marna kama xumaan guul daradooda”. ayuu yiri Ramos.

Kooxda Real Madrid ayaa dhigeeda Barcelona kaga horeeysa hogaanka horyaalka Spain waxaana kooxda Macalin Zidane ay udhag raaricinayaan xaaladda Kabtankooda Sergio Ramos oo dhaawac ku baxay xilli ciyaartu ay ka harsaneyd 19 daqiiqo.