Home - Hirshabelle - Sh.Xuseen “Gobolka Hiiraan waxaa isku biirsaday Dhibaatooyin uusan  waligii la kulmin”.

Sh.Xuseen “Gobolka Hiiraan waxaa isku biirsaday Dhibaatooyin uusan  waligii la kulmin”.

Gobolka Hiiraan oo ay ka jiraan Fatahaad Wabiga Shabeelle ee Mara uu ku sameeyay, Roobab aanan kala go’ laheyn, is badal Maamul oo aanan marar badan lagu badalay xubno katirsan Maamulka iyo Magaalada Baladweyne oo ka xiran tahay Safaradii Cirka iyo kii dhulka.

Shiikh Xuseen Cismaan Cali Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka jira Gobolka aanan yareyn.

Habka uu is leeyahay waa looga bixi karaa waxa uu ku tilmaamay in ay tahay in Iskaashi ay sameeyaan dadka Gobolka gaar ahaan kuwa Magaalada Baladweyne.

Waxyaabaha dhaca ayuu sheegay in ay sabab u yihiin dambiyada ka dhaca dadka iyo kuwa ay isku geystaan, waxa uu soo jeediyay in Is Cafin ay dadka Sameeyaan si dhibaatada ay ugu baxaan.

Waa uu sii hadlay waxa uuna tibaaxay in ay sii yaraaneyso Rajadii laga qabay in dib loo Hagaajiyo Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif, sababtana waxa uu ku sheegay in ay tahay Roobabka oo wali ka da’ayo Magaalada.

Magaalada Baladweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle waxaa ka barakacay dad ku dhaw 9,000 oo qoys sida Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan uu Warbaahinta u sheegay.

Mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa ku go’doonsan, waxaana guul dareystay isku dayo uu ku doonayay in uu Jowhar tago, maadaama Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif uu xirmay.