Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Shan ciyaar yahan oo Barcelona ay iibin karto xilli ciyaareedkan.

Shan ciyaar yahan oo Barcelona ay iibin karto xilli ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa sanadkan wajaheysa caqabado adag waxa ay sanadkan booska labaad kaga jirtaa kala sareynta horyaalka Spain iyagoo 3 dhibic ka dambeeya hogaamiyeyaasha Real Madrid.

Kulamadii ugu dambeeyay ee Champions League oo ay kooxda Barcelona banaanka kusoo ciyaartay waxaa ka kala adkaaday kooxaha PSG iyo Juventus.

Psg ayaa Barcelona kaga soo adkaatay 4:0 , kulankii lugta hore ee wareega 16-ka , sidoo kale Juventus ayaa 3:0 kaga adkaatay kulanka lugta hore ee wareega 8 dhamaadka.

#5 Andre Gomes.

Kooxda Barcelona ayaa lasoo saxiixatay xidigan waxaana la filayay inuu la qabsado kooxda Blaugrana balse bandhigiisa Camp Nou ayaa wajahay cambaareen.

Ciyaar yahanka ayaa helay fursad uu ku maamulo qeybta dhexe ee kooxda Barcelona , balse xidiga ayaan soo bandhigin tayo iyo awood dhameystiran oo uu ku maamuli karo qadka dhexe ee kooxda.

Falsafadda ciyaareed ee Xavi , Iniesta , Sergio & Rakitic ayaa ah mid qaab ahaan iska daba dhaw balse ciyaar yahankan ayaan soo bandhigin hanaan ciyaareedka kooxda Barcelona.

Dadka qaar ayaa qaba in Andre Gomes weli uusan helin fursad ku filan uu kula qabsado kubadda kooxda Barcelona , waxaase jirta arrin kale oo mudan in laga hadlo taasi oo ah xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Gomes iyo Cristiano Ronaldo oo uu xafiltan kala dhaxeeyo xidiga Barca Lionel Messi.

#4 Rafinha.

Xidiga ayaa kasoo baxay xarunta da’yarta ee kooxda Barcelona waxaana uu umuuqday mid bandhig wanaagsan sameyn kara balse dhaawac ayaa hareeyay waayihiisa ciyaareed.

Ciyaar yahanka ayaa ka ciyaara iminka garabka midig ee daafaca kaasi oo aan aheyn booskiisa rasmiga ah balse qadka dhexe ee kooxda Barcelona ayaa ah mid aad udhib badan.

Dhaawacyo isxig xigay ayaa ciyaar yahanka dhantaalay hamigiisa sidoo kalena caqabad ku noqday inuu qaab ciyaareedkiisa usoo bandhigo macalin Luis Enrique.

#3 Jeremy Mathieu.

Daafaca da’da ah ee France ayaa kooxda Barcelona waxa uu ka tirsan yahay Saddex xilli ciyaareed waxaana la leeyahay waa mid aan ku habooneyn uciyaarista kooxda Barca.

Marka loo fiiriyo xiriirka kala dhaxeeya Gerard Pique , Javier Mascherano & Samuel Umtiti waxa uu noqonayaa mid ku liita la shaqeynta xidigaha ay isku booska yihiin.

Kulankii ugu dambeeyay oo ay kooxda Barcelona guul darrada kala kulantay dhigeeda Juventus ayuu kusoo bilowday balse macalinka ayaa badal ku saaray qeybtii labaad ee ciyaarta.

#2 Paco Alcacer.

Weli waa mid da’yar waxaana uu ku jiraa kaliya da’da 23-ka sano xidigan ayaa caqabada ugu weyn ee uu wajahayo waxay tahay da’da.

Weerar yahanka Spain ayaa dhaliyay gool muhiim ahaa kulankii ay kooxdiisu ka adkaatay kooxda Real Sociedad ciyaar ku dhamaatay 2:3 oo ay Barcelona guushu ku qaadatay.

Lionel Messi , Luis Suarez & Neymar JR ayaa sidoo kale ah caqabada uu wajahayo ciyaar yahanka sababtoo ah waxa uu doonayaa inuu muujiyo bandhigiisa ciyaareed.

#1 Lucas Digne.

Daafaca dambeedka midig ee xulka France ayaa heysta kalsoonida taageerayaasha iyo macalin Luis Enrique , ciyaar yahanka ayaa sidoo kale waxa uu fursad ka helay bandhigii liitay ee Jordi Alba.

Ciyaar yahanka ayaa waxa uu dhankiisa wajahayaa caqabado dhanka dhaawac yada ah waxaana qeyb kamid ah waayihiisa ciyaareed hareeyay dhaawac.

Ad