Home - Wararka Somalia - Shir u dhaxeeya Ahlu Sunna iyo Galmudug oo galabta ka furmaya Muqdisho

Shir u dhaxeeya Ahlu Sunna iyo Galmudug oo galabta ka furmaya Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa galabta lagu wadaa in uu ka furmo shir u dhaxeeya Maamullada Ahlu Sunna iyo Galmudug,kuwaas oo dhawaan heshiis horudhac ah ku yeeshay Dalka Jabuuti.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Ahlu Sunna ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in shirkan galabta lagu wado in uu furmo ay ka qeybgelayaa madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya.

Shirkan maanta gelinka dambe lafilayo in uu ka furmo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb gelaya madaxda Maamullada Galmudug iyo Puntland iyo sidoo kale xubno ka mid ah dowladda Federaalka ah sida Wasaaradda arrimaha gudaha iyo mas’uuliyiinta kale ee ka soo jeeda Galmudug.

Shirkan waxaa uu daba socdaa Shirkii Ahlu Sunna iyo Galmudug ee Bishii April ku fashilmay ,waxaana ka qeybgelaya dhinacyadii xilligaas ka qeybgelay shirka.

Shirka galabta ka furmaya Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgelaya ka qeybgalayashii shirkii April ee bishii April Muqdisho ku fashilmay.

Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa dhawaan heshiis ku saxiixday Jabuuti,waxaana ay inta ka dhiman wadahadalkooda sheegeen in ay ku dhameysanayaan shir ka dhacaya Magaalada Dhuusamareeb.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*