Home - Wararka Somalia - Shirka dib u eegista sharciga Socdaalka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Shirka dib u eegista sharciga Socdaalka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Shir ay soo qabanqaabisey hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ku saabsan dib u eegis lagu sameynayo sharciga socdaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka oo Mudo 2 maalin ah socon doona ayaa waxaa ka qeyb galaya khubaro ka socota qaar ka tirsan wasaaradaha dowladda Federaalka iyo sharciyaqaano.

Shirkaan latashiga ah ayaa waxaa ka soo qeybgaley wasiirada wasaaradaha arimaha dibadda, Boostada iyo isgaarsiinta, iyo wasiiru-dowlaha arimaha gudaha, waxaana shirka furey wasiirka amniga gudaha oo kula dardaarmey ka qeybgalayaasha in ay aruuriyaan talooyin wax ku ool ah isla markaana lagu hagaajin karo socdaalka dalka.

Shirkaan ayaa ah kii 2aad iyada oo u hore u qabsoomey latashi lala yeelanayey saraakiisha hadda ka howlgala hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo weliba qaar ka mid ah saraakiishii hore uga shaqeyn jirtey socdaalka Dalka.

Shirkaan maanta furmey ayaa hor-dhac u ah shirar kale oo noocaan ah oo maalmaha nagu soo aadan lala yeelan doono maamul goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha laanta socdaalka oo Madasha ka hadlay ayaa sheegay in dhamaan xeerarkii caalamka ay sisbeddeleen gaar ahaan kuwa ku xusan dastuurkii hore ee Soomaaliya sidoo kalena Dastuurka SOomaaliya isbeddelay loona baahan yahay in shuruucda Socdaalka Soomaaliya la waafajiyo kuwa Caalamka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*