Home - Wararka Somalia - Shirkada FAVORI oo ka walwalsan Saraakiisha hubka la gasha Garoonka Adan Cadde.

Shirkada FAVORI oo ka walwalsan Saraakiisha hubka la gasha Garoonka Adan Cadde.

Muqdisho: War Saxaafadeed ka soo Baxay Shirkada Maamusha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada ,uqdisho, lagana leeyahay Dalka Turkiga ayaa Walaac xoogan uga Muujisay amniga Garoonka Aadan Cadde.

Shirkada FAVORI ayaa sheegtay in cabsi xoogan ay kajirto Saraakiisha Ciidanka ee Dowladda oo hubka lagala Garoonka Aadan Cadde kuwaas oo mararka qaar iska diida in la baaro si looga celiyo waxyaabaha Gudaha garoonka mamnuuca ka ah in laga celiyo.

Waxaa jirtay dhowr dhacdo oo dhexmartay Ciidanka ilaaliya amniga Garoonka iyo Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee maka ay galayaan garoonka hubka horay usii qaata.

Xiisada ayaa cirka isku sii sharertay markii Sarkaal Boolis uu iska diiday inuu maro qalabka sheego Hubka qofka wata ee Xray-ga, isagoo xiligaas doonayay inuu Bistoolad uxirneyd uu la galo garoonka, waxaana arinkaas ka hor istaagay Ciidankii uxilsaarnaa sugida Amniga.

Sarkaalka Booliska ee Hubka watay iyo Ciidanka ilaalada ayaa waxaa dhexmaray Buuq ku sigtay inuu dhoco gacan ka hadal maadaama sarkaalka lagu qancin waayay inuu hubka iska dhigo, laguna wareejiyo marka uu Garoonka ka soo boxo.

Warqada Qoraalka ee ka soo baxday FAVORI, Waxaa ku saxiixnaa Madaxa amniga ee Garoonka Hakan Aydin, Wuxuuna baaq udiray Laamaha amaanka ee Dowladda.

Bishii February Sanadii 2016-kii Diyaarada Daallo ayaa ku qaraxday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo ku sii jeeday Magaalada Jabuuti ee Xarunta Dalka Jabuuti.