Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Silva: Oo Seegaya kulanka Caawa ee Spain V.s Russia”

Silva: Oo Seegaya kulanka Caawa ee Spain V.s Russia”

W\Q: (Maxamed Ahmed Lio) Laacibka Qadka Dhexe ee City David Silva waxa uu ka maqnaan doonaa kulanka saaxiibtinimo ee ay Spain isugu diyaarineyso Koobka Aduunka ee Russia.

Xiddigga ayaa la sheegay in xanuun dhuunta ah uu uga baxay tababbarkii isniinta.

La Roja oo hanatay Koobkii Aduunka ee 2010 ayaa salaasadda la dheeli doonta Russia.

Hase ahaatee, waxaa wali jirta rajo yar oo laga yimaado in Silva uga soo muuqdo kulanka caawa waana in diktoorada fasaxaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*