Home - Saxaafadda - Siyaasadeynta howlaha Bani’aadminimo & Aragtida Xeerka caalamiga ah ee Bani’aadminida
Koox dumar ah oo ka baxeysa isbitaalka Sheekh Zayed ka hor intii aan la xirin

Siyaasadeynta howlaha Bani’aadminimo & Aragtida Xeerka caalamiga ah ee Bani’aadminida

Argomento Di Studio: Xiridda Isbitaalka Sh. Zayed ee Muqdisho &    Joojinta howlihii Bani’aadminimo ee uu bixinayey!

Qalin Horaad:

Maqaalkani waxa uu ku saabsan yahay muranka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta, kaas oo si xun u saameeyey howlaha Insaanimo ee dowladda Imaaraadku ka waday magaalada Muqidhso iyo magaalooyin kale oo Soomaaliyeed, Sababaha, Sooyaalka, Waxyaabaha xagga dambe ka riixaya, Aragtida labada dowladood.

Waxa uu xoogga saarayaa xiritaanka degdegga ah iyo joojinta kaalmada bani’aadminimo ee Isbitaalka Sheekh Zayed oo ay dhistay islamarkaana ay bixineysay dowladda Imaaraadka carabtu dhammaan dhaqaalaha ku baxayey socodsiintiisa.

Go’aanka xiritaanka Isbitaalka Sheekh Zayed; ee Muqdisho waxa uu yimid kaddib muranka diblomaasiyaseed ee dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka carabta, taas oo ah Siyaasadeyn howl Bani’aadmino.

Sidaas awgeed iyada oo laga shidaalqaadanayo Qaanuunka Caalamiga ah ee Bani’aadminimada maqaalku waxa uu ifinayaa gefka iyo carqaladeynta Qaanuunka Caalamiga ah ee Bani’aadminimada, taas oo ay xukuumadda imaaraadku ku kacday kaddib markii ay ka saartay Isbitaalka Sheekh Zayed; bukaano kala duwan, kuwaas oo u yimid Isbitaalka in uu bixinayay daweyn lacag la’aan ah iyo in aanay awoodin in ay iska bixiyaan qarashka adeegga caafimaadka, bukaanadaas  badankoodu waxa ka yimaadeen dadka saboolka ah iyo xeryaha dadka  barakaca.

Isbitaalka Sheekh Zayed ee Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Isbitaalka Sheekh Zayed bishii June-2015, waxaa munaasabadda xarigga looga jaray Isbitaalkan joogay Danjiraha Isutagga Imaaraadka carabta (IIC), Maxamed Axmed Cusmaan, Raisalwasaare Sharma’arke; guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha shacabka Mahad Cawad, Xawa Xasan; wasiiraddii caafimaadka, guddoomiyihii gobolka ee xilligaas Xasan Xuseen Mungab, Necholas Key, ergeygii QM iyo madax kale oo kamid ah howlga QM; ee Soomaaliya.

Sawirka: June-2015, Midig: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud; oo xarigga ka jaraya cisbitaala Sheekh Zayed, Bidix: Maxamed Axmed Cusmaan; Danjiraha Imaaraadka Carabta Dhexda: RW: Cumar C/rashiid

Dhismaha Isbitaalka Sheekh Zayed, wejigii koowaad waxa lagu billaabay in uu qaabili karo halkii mar 300; oo bukaan oo la siinayo adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah, iyada oo lagu kordhiyey dhismaha qaybo kale oo si taqasus gaar ah loo dhisay.

Madaxweyne Xasan Sheekh; iyo danjiraha IIC, oo ka hadlay furitaanka Isbitaalka ayaa sheegay in wejiga labaad lagu kordhin doono 200; oo sariir, iyada oo mw Xasan sheikh; si gaar ah u sheegay in IIC; ay fulin doonaan mashaariic dheeri ah oo ku saabsna dhinacyada horumarinta sida Nabadgelyada, Caafimaadka, Waxbarashada iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.[1]

Hordhac

Xiriirka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabtu waxa uu kamid yahay xiriirada lagu tilmaamo kuwa soo taxnaa muddada dheer ama taariikhiga ah, waxa uu soo billowday xiriirka labada dal inta la ogyahay ka hor 200; sano.

Sanadkii 1837;dii deegaano katirsan Waqooyiga Soomaaliya ayaa xiriir la lahaa Suldaan Bin Saqar Al-Qaasimi[2].

Markii ay dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya; waxaa sii xoogeystay xiriirka Imaaraadka Carabta ee Dalka Soomaaliya; tusaale ahaan markii uu Ahun: ciidanka XDS; oo talada dalka xoogga ku qabsaday kaddibna Sarreeye gaas Jaalle Maxamed Siyaad Barre; uu noqday guddoomiyaha golaha kacaanka Imaaraadku waxa ay siiyeen 12; diyaaradood oo ah kuwa dagaalka, nooca Hawker Hunter-ka oo lagu sameeyey Ingiriiska[3].

1972; Sheekh Saayid Bin Suldaan; ayaa soo jeediyey in Isutagga Imaaraadka Carabtu ka fuliyo mashaariic ballaaran dalka Soomaaliya; waxaa kamid ahaa mashaariicdaas jidka Sheekh Saayid ee isku xira magaalooyinka Berbera iyo Burco; kaas oo gaaraya 160 km[4].

Kaddib qaran-jabkii Soomaaliya sanadkii 1990-kii Isutagga Imaaraadka Carabtu waxa uu kamid noqday Isbaheysigii caalamiga ahaa ama Holwgalkii QM ee Soomaaliya UNOSOM (United Nations Operation in Somalia II); kaa oo Mareykanku horkacayey,.
IIC; waxa uu xilligaas cutub ka tirsan ciidanka milateriga u  diray magaalada Muqdisho; kaas oo ka qaybqaatay howlgalkii Rajo soo celinta (Restore hope)

Wixii ka dambeeyey 2000; Imaaraadku waxa uu ku koobnaa oo keli ah dhinaca kaalmada bani’aadminimo isaga oo marsiinayey Bisha cas ee Imaaraadka, waxa uu kaalin fiican ka qaatay howlaha bani’aadminimo ee Soomaaliya; kuwaas oo lagu caawinayey dadka u baahan gargaarka, waana arrintaasi midda uu maqaalkani quseeyo marka la ga istaago dhinaca Qaanuunka Caalamiga ah ee Bani’aadamka.

Billowga Muranka siyaasadeed ee Saameeyey howlaha Bani’aadminimo.

Bishii June-2017; Dowladda Soomaaliya waxa qaadatay go’aan dhexdhexaadnimo ah oo ku aaddanaa khilaafkii u dhexeeyey dowladaha gacanka carabta.

4; dowladood oo Isutagga Imaaraadku kamid yahay ayaa go’doomiyey dowladda Qatar; iyaga oo ku eedeeyey in maalgelin iyo xannaano u sameyso ururo iyo shaqsiyaad kamid ah waxa loo yaqaan argagixisada, dowladda Imaaraadku go’aankaas kuma farxin sidaas awgeed waxa ay iskudayday in ay culeys siyaasadeed saarto xukuumadda dhexe, waxa ay xiriir gacan togaaleysi ah la yeelatay dowlad-goboleedyada Soomaaliya, iyada oo qaarkood ku casuuntay dalkeeda, tallaabadaasi waxa ay sii calwisay xiriirka labada dal, balse ma gaarin heer ay istaagaan howlaha bani’aadmiminimo ee Isutagga Imaaraadku ka waday Muqdishow.

1-Maarso-2018; Shirkadda dekadaha ee Dubay, maamulka Somaliland & Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis saddex geesood ah oo ku saabsan maalgashiga dekedda Berbera; iyada oo aanay xukuumadda dhexe ee Jamhuuriyadda Soomaaliya aanay sida ay sheegtay waxba kala socon, inkasta oo wasiirka koowaad ee xukuumaddu uu joogay ciidda Imaaraadka markii la saxiixayey heshiiska saddex-geesoodka ee maalgashiga dekedda Berbera.

12-Maarso-2018; Golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa soosaaray xeerka dhowridda gobonimada iyo midnimada geyiga Soomaaliyeed; kaas oo Shirkadda dekadaha ee Dubay ka mamnuucaya ka howlgelidda Dalka Soomaaliya, taasina waxa ay si aan toos ahayn u taabatay danaha Imaaraadka ee Bariga Afrika, kuwaas oo wax xoogaa caqabad ah kala kulmay dhinaca dekedda Dooraale ee Jamhuuriyadda Jabbuuti.

8-April-2018; ciidanka nabadgelyada ee garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho; ayaa qabtay diyaarad rayid ah oo laga leeyahay Imaaraadka, taas oo ay saarnaayeen 47; sargaal oo Imaaraad ah, islamarkaana sidday lacag dhan 9,600.000; (Sagaal milyan & Lix boqol oo kun), tallaabadaasi waxa ay sii cakirtay xiriirkii labada waddan.

Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Imaaraadka ayaa sheegtay in xilligii duulimaadka diyaaradda ay ciidamada ammaanka Soomaaliya dib u dhigeen muddo saacado ah, iyada oo ku doodday in lacagtu ahayd mid loogu talagalay ciidanka Soomaaliya, waxa ay Wasaaraddu cuskatay isfaham dhexmaray November-2014; labada dal oo ku saabsan iskaashi dhanka Millateriga ah.

Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Imaaraadka ayaa ku sheegtay war-murtiyeed ay soosaartay laba maalin kadib dhacdada in tallaabada ay qaadday Soomaaliya ay tahay mid halis ah oo baal marsan Qaanuunka, waxa ay ku tilmaantay tallaabada ay ciidanka nabadgelyada Soomaaliya ku xayireen diyaaradda Imaaraadka iyo lacagtii saarnaydba ay tahay mid gef ku ah xeerarka  iyo dhaqamada Diblomaasiyadeed ee u dhexeysa dowladaha[5],

Falcelinta Isutagga Imaaraadka

17-April-2018; Isbitaalka Sheekh Zayed ee magaalada Muqdisho oo uu isutagga Imaaraadku Carabtu hirgeliyey islamrkaana gacanta ku hayey ayaa joojiyey shaqadii uu hayey, Dhaqtar Salim Nurani; agaasimaha Isbitaalka Sheekh Sayed ayaa  sheegay  in uu soo gaaray amar lagu xirayo isbitaalka.

Isbitaalkan oo si lacag la’aan ah u daaweyn jiray 200-300; oo bukaan kuwaas oo kamid ah dadka Saboolka ah iyo barakacayaasha ayaa xiritaankiisu waxa uu ku lug yeeshay khilaafka diblomaasiyadeed ee Imaaraadka iyo Soomaaliya, taas oo xad-gudub iyo xeer jebin ku ah xeerka caalamiga ah ee Bani’aadminimada iyo howlaha bani’aadminimo IHL(International Humanitarian law).

Siyaasadeynta  howlaha bani’aadminimo

Xeerka caalamiga ah ee Bani’aadminimadu waxa uu koobayaa dhammaan heshiisyada caalamiga ah iyo xeerarka dowladaha ee dammaad qaada xushmeynta aadanaha, illaaliya labada qaybood ee xuquuqdiisa, Tan shaqsiga ah iyo midda siyaasiga ahba, xilliyada Nabadda iyo Collaadda labadaba, kaasina waa xeerka loo yaqaan Qaanuunka Caalamiga ah ee xuquuqda Aadanaha.

Qaanuunka Caalamiga ah ee Bani’aadminimadu waa xirmo ka turjumeysa heshiisyada iyo dhaqanka dowladaha,  kuwaas oo la dhaqan-geliyo marka ay jiraan iska hor-imaadyada hubeysan, (armed conflicts), ujeedkuna waa in la xakameeyo dhinacayada is haya, islamrkaana laga illaaliyo in khilaafku saameeyo  dadka rayidka ah iyo in laga yareeyo saameyntiisa, si loo illaaliyo xushmada bani’aadamka iyo xuquuqdiisa asaasiga ah[6].

Soomaaliya waxa aan weli ka dhammaan Iska-hor-imaadyada hubeysan, kuwaas oo sababay in rayid badan ay ka barakacaan deegaanadooda, iyada oo qaarkood ku nool yihiin  xaalad nolol oo aad u adag.

Qaanuunka Caalamiga ah ee Bani’aadminimadu waxa uu illaalinayaa 5; koox oo wada-jooga ama qaarkood ay joogaan goobaha ay ka jiraan iska hor imaadyada hubeysan, kuwaas oo uu siinayo dhowrid gaar ahaaneed, waxa kamid ah:

  1. Bukaanada iyo Dhaawaca
  2. Kuwa Badda ku maanshooday iyo kuwa la kulmay Musiibooyinka
  3. Maxaabiista dagaalka
  4. Rayidka
  5. Shaqaalaha gargaarka Bani’aadminimo
  • Bukaanada & Dhaawacyada

Sida uu dhigayo Borotokolka koowaad ee dheereedka ah  1977; ee heshiiskii Jineefa, cutubka koowaad, qodobka 8;aad (Additional Protocol 1 of the Geneva Conventions 1977)

Bukaanada iyo Dhaawaca: Waxa ay noqon karaan ciidan ama Rayid u baahan taageero caafimaad, sababtu waxa ay noqon kartaa dhibaato soo gaartay, Xannuun, isku dhexyaac, dhibaato jireed ama mid maskaxeed, carruurta iyo ilmaha dhowaan dhashay, dadka u baahan gargaarka degdegga ah iyo haweenka Uurka leh dhammaantood waxa ay ka caaggan yihiin nooc walba oo u muuqan kara fal cadowtinimo.[7]

Isutagga Imaaraadka Carabtu waxa ay sheegeen maalin kadib markii ciidanka ammaanka Soomaaliya ay qabteen diyaaradda Royal Jet iyo lacagtii ay waddayba in ay joojinayaan mashruuca tababarka millateriga Soomaaliya, basle waxa ay 17-April-2018; albaabada u laabeen Isbitaalka Sheekh Zayed; oo ahaa kaalmo bani’aadnimo oo ka madax bannaan siyaasadda, taas oo ah tallaabo si cad u jebineysa qaanuunka caalamiga ah ee Bani’aadminimada (Direct violation of international humanitarian law)

Mabaabiida Qaanuunka Bani’aadminimada waxaa kamid ah in aan qofna loo saari Karin mas’uuliyadda fal uusan sameyn, waxaa reebban ka aargudashada iyo Ciqaab wadareedka.

Marka dhinacaas laga istaago go’aanka xukuumadda Isutagga Imaaraadka Carabtu ee xritaanka Isbitaalka Sheekh Zayed ee Muqdisho  waxa lagayaabaa in uu si xun (Negative) u saameeyey bukaanadii ka faa’iideysan jiray Isbitaalka sheikh Zayed; oo badankoodu ahaa dadka rayidka ah ee ay sida xun u saameeyeen iska-hor-imaadyada husbeysan, sidaas oo kale waxa uu go’aankaasi saameeyey howshii Bani’aadminimo ee bixinayey isbitaalku, taasina waxa ya timid kaddib tallaabo u muuqatay isku xir mashaariicda gargaarka Bani’aadminimo iyo tababarka ciidan, taas oo si walba u khilaafsan anshaxa iyo dhaqanka dowladaha qaybta ka ah Qaanuunka Caalamiga ah ee Bani’aadminimada.

Xiritaanka iyo joojita howsha Bani’aadminimo ee isbitaalka Sheekh Zayed waxa lagayaabaa in uu ka dhigan yahay ciqaabta bukaano iyo dad dhaawac ah oo ku jiray Isbitaalka Sheekh Zayed, taas oo ah xad-gudub iyo ku tumasho ka dhan ah xeerka caalamiga ah ee Bani’aadminimada, si kale tallaabada IIC; ku xiray Isbitaalkan waxa ay u ekayd siyaasadeyn iyo  isugu xir  howlaha gargaarka bani’aadminimo iyo muranka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya dowladda Soomaaliya, taasina waxa ay ka hor imaaneysaa Qaanuunka dowliga ah ee bani’aadminimada (IHL)  iyo heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Isbitaalladu waxa ay kamid yihiin adeegyada aanay suuragalka ahayn in rayidku la’aantood noolaadaan, sidaas daraadeed Qaanuunka Caalamiga ah ee Bani’aadminimadu waxa uu u yaqaan meelaha ay reebban tahay in wax dhibaato ah ay ka soo gaaraan murunada diblomaasiyadeed iyo doodaha u dhaxeeya dowladaha iyo dadka ay xukumaan  waxaa kamid ah:

  • Goobaha caafimaadka,
  • Keydka daawooyinka,
  • dhulbeereedka,
  • Keydka cuntada
  • Xarumaha bixiya gargaarka bani’aadminimo
  • Goobaha waxbarashada
  • Masaajidda iyo Kaniisadaha
  • Jaamacadaha iyo xarumaha cilmibaarista.
  1. Mabaadiida Asaasiga ah ee Qaanuunka Caalamiga

Qaanuunka Caalamiga ah ee Bani’aadminimada (QCB); waxa uu ku dhisan yahay mabaadii bani’aadminimo, kuwaas oo ah saldhigga heshiiska inta badan dowladaha adduunka, kuwaas oo qayb ka ah heshiisyada caalamiga ah.

Mabaadiidaasu waxa ay u qaybsantaa laba qaybood oo kala ah:

  • Mabaadii Asaasi ah
  • Mabaadii guud
  • Mabaadii gaar u ah doodaha iyo Qaanuuka dagaalka
  1. Mabda’a Koowaad: La dhaqan Bani’aadminimo

Mabda’an waxa loola jeedaa in ruux walba uu si qof ahaan u helo ladhaqan bani’aadminimo, iyada oo aan shaqsiyaddiisa ama ujeeddo kale laga lahyan, taas oo ah in qofku uu u helo mucaamalo wanaagsan oo kali ah in uu yahay bani’aadam, waxa aan mabaadiidaas ka soo qaadayaa kan ku habboon maqaalkan

Heshiisyada Jejefa iyo Borotokooladooda 1aad & 2aad (Geneva Conventions and their two Additional Protocols of 1977,), ayaa go’aamiyey saddex waajib oo ay tahay in ay helaan dadka ay dhibaatadu ka soo gaarto colaadaha, muranada diblomaasiyadeed iyo doodaha u dhexeeya dowladaha iyo dadka ay xukumaan, kuwaas oo kale ah

  • Xushmeynta dadka ay dhibaatadu soo gaarto ee taagta daran
  • Illaalinta iyo gabbaad-siintooda
  • In loola dhaqmo si bani’aadmino ku jirto

Marka la eego mabaadiidan oo ku jira heshiiska caalamiga ah ee dhowridda iyo  xannaaneynta dadka liita waxa suuragal ah in go’aanka joojinta kaalmo bani’aadminimo iyo isku xirka howlaha Insaaniga ah iyo Siyaasaddu ay xarigga nolosha (Life line)  ka jaraan bukaano iyo dad tag daran oo ay iska-hor-imaadyada hubeysan ee weli ka jira Soomaaliya ay saameeyeen,  waxa ay dadkaas rayidka ah oo kamid ah qoysaska barakacayaasha  iyo dadka liita ee aan haysna dhaqaale ay ku iibsadaan dawo iyo adeeg caafimaad ka faa’iideysan jireen si lacag la’aan ah howhsii bani’aadminimo ee uu bixinayey Isbitaalka Sheekh Zayed ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay suuragal tahay in ay u dhintaan sabab la xiriirta joojinta adeeggaas iyo xiritaanka Isbitaalkaas.

Soo koobid

Iyada oo laga faa’iideysanayo heshiisyada caalamiga ah ee Jinefa iyo labadooda Baratokool ee dheeriga ah ee 1977 (Geneva Conventions  and their two Additional Protocols of 1977), oo ay Dowladda IIC; qayb ka tahay lana dhowrayo qaanuunka caalamiga ee Bani’aadminimada xukuumadda IIC; waxa ay ku la kacday dad rayid ah fal sababi kara dhimasho ama dhaawac halis  ah oo aan lahayn sabab iyo dhinac kale oo lagu banneysto, waxa ay si toos ah ugu xadgudubtay mabaadiida waaweyn ee xeerka caalamiga ee Bani’aadminimada, kaas oo dhammaan dowladaha dunidu ay qayb ka yihiin, ayna tahay waajib iyo dhaqan dowladnimo in waddan walba ixtiraamo.

Sida uu danjiraha IIC ee Soomaaliya; Maxamed Axmed Cismaan; bishii June-2015; ka sheegay munaasabadii furitaanka Isbitaalka Sheekh Zayed; waxa uu Isbitaalku siinayey adeeg caafimaad oo lacag la’aan 300[8]; oo bukaan, kuwaas oo kamid ah qoysaska barakacayaasha ee ay waxyeeleen iska-hor-imaadyada hubeysan iyo kuwa saboolka ah eek u nool Muqdisho.

Marka laga shidaal qaato hadalka danjiraha IIC ee Soomaaliya; Maxamed Axmed Cismaan go’aanka joojinta kaalmada Bani’aadminimo ee Isbitaalka Sheekh Zayed waxa uu sababi kartaa saameyn xun oo gaarta 300+; oo bukaan oo ah dad rayid ah oo isugu jira bukaan jiif iyo  bukaan socod oo ku xirnaa isbitaalkaasi, waxa  ay waayeen halmar iyo ogeysiin la’aan adeeggii caafimaad kaas oo safaaradda IIC; u ballan qaadday dowladda Soomaaliyeed in uu socon doono, yahayna deeq bani’aadmino  oo dowladda IIC; si lacag la’aan ah ku siineyso dadka Soomaaliyeed ee colaadda iyo saboolnimada ka soo kabanaya.

Waxa ay xukuumadda IIC; iskumar  joojisay adeeggii kaalmada bani’aadmino iyo tababarkii ciidanka, taas oo ka dhigan in labadaas howlood iskumid ka yihiin dhanka xukuumadda IIC.

Go’aankaasi waxa uu si toos ah ugu gefeys Insaannimada, waxa uu muujiyey sida madaxda IIC; aanay u dhowrin Qaanuunka Caalamiga ah ee Bani’aadminimada, mar haddii ay bukaan dowo ku socota ka joojiyeen adeeggii caafimaadka, taasina waxa ay horseedi kartaa in dadkii rayidka ahaa ee ka faa’iideysanayey adeegga lacag la’aanta ah ee Isbitaalka la xiray ee sheikh Zayed ay la kulmaan dhimasho iyo rajo la’aan uu sababay go’aanka joojinta howlaha bani’aadminimo iyo xiritaanka Isbitaalka Sheekh Zayed ee Muqdisho.

Xarfaha la gaabiyey

  1. IIC: Isutagga Imaaraadka Carabta
  2. IHL(International Humanitarian law).
  3. (QCB); Qaanuunka Caalamiga ah ee Bani’aadminimada.

[1] –  https://somaliagenda.com

[2] _Suldan bin Saqar Al Qasimi; waxa uu xukumayey Deegaanada Sharjah & Ras Al Khayma, Qarnigii 18aad; sanidihii 1803–1840, 1840–1866; iyaga oo u dhisan hab qabiil iyo xeerbeegti, hadda waxa looyaqaan Isutagga Imaaradaha Carabta

[3] –  الصومال والإمارات: أسباب التوتر الدبلوماسي ومستقبل العلاقات : ;  Xarunta Daraasaadka ee Aljazeera; 18-April-2018; Shaafici Abtidoon

[4] -Wargeyska Albayaan ee Imaaraadka; Saciid Maxamed Ciise; xog-hayaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Raas Al khaymaha; 15-April-2018

[5] – Russia today, Emirates News Agency WAM; Rifat Suleiman; 10.04.2018

[6] – Qaanuunka Caalamiga ah ee Bani’aadminimada; Dr: Maxamed Suleymaan

[7] – Qaanuunka Bani’aadminimada, Dr: Maxamed Suleymaan, Lifaaqa Borotokolka Koowaad, 1977;  Cutubta 1aad, Qodobka 8aad

[8]https://reliefweb.int/report/somalia/president-somalia-opens-sheikh-zayed-hospital-mogadishu

https://somaliagenda.com/president-of-somalia-opens-sheikh-zayed-hospital-in-mogadishu/