Home - Wararka Somalia - Somaliya iyo Mareykanka oo ka hadlay Weerar lagu dilay Sarkaal katirsan Al-Shabaab.

Somaliya iyo Mareykanka oo ka hadlay Weerar lagu dilay Sarkaal katirsan Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) ayaa amray hawlgal qorsheysan oo ay la fuliyeen saaxiibada caalamka ee ShaashWeyn oo bannaanka gobolka Benaadir ah halkaas oo lagu dilay horjooge sare oo katirsan Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Somaliya ayaa lagu sheegay in Sarkaalka la dilay uu  mas’uul ka ahaa qorsheyaasha lagu fulinayey qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacayay

Labadii usbuuc ee u dambeysay Ciidanka Soomaalida ayaa bartilmaameysanyay saldhigyo ay ku suganyihiin Saraakiil iyo Ciidan katirsan Al-Shabaab  oo weeraradaas mid kamid  ah lagu qaarajiyey Gudoomiyihii Shabaab ee Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal).

Dhinaca Kalena Dowladda Mareykanka ayaa dhankeeda soo saartay qoraal ay kaga hadleyso weerarkaas ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa war ka soo saartay weerar laga fuliyay agagaarka Gobolka Banaadir, kaasoo la rumeysan yahay in lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka Africom ayaa lagu xaqiijiyay weerarka laga fuliyay meel ku dhow magaalada Muqdisho oo aan magaceeda la sheegin.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in Mareykanka si dhow ula shaqeyn doono saaxibadood Soomaaliya iyo xulafada gobolka, si loogu jebiyo Al-Shabaab, laguna soo celiyo xasilooni iyo nabadgelyo.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay inay qiimeyn ku wadaan natiijada weerarka, isla markaana wixii warbixin ay dib ka soo sheegi doonaan.