Home - Wararka Somalia - Somaliya oo Cuman uga qeyb geleysa Shirka Dalxiiska Adduunka

Somaliya oo Cuman uga qeyb geleysa Shirka Dalxiiska Adduunka

Magaalada Masqad ee Dalka Cuman waxaa ka furmaya shirka caalamiga ah ee dalxiiska Adduunka kaas oo ay ka qeybgelayaan inta badan dowladaha Caalamka ee ilaha dalxiiska leh.

Dalka Soomaaliya SHirkan waxaa ku matalaya Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo lataliyahiisa dhinaca dalxiiska.

Shirkan ayaa waxaa qabanaya Hay’adda Dalxiiska Adduunka Qaramada Midoobey ee (UNWTO) iyo Hay’adda UNESCO.

Wafddiga ka socda Soomaaliya waxaa Magaalada Masqad ku qaabilay danjiraha Soomaaliya ee Cumaan , Abdirizak Farah Ali Taano iyo wakiillo ka tirsan Hay’adda Dalxiiska Caalamka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa kulan kula qaatay magaalada Masqad xoghayaha guud ee Hay’adda UNWTO Talib Rufai,waxaana ay iska wareysteen xaaladda dalxiiska Soomaaliya iyada oo kulankaas ay wasiirka ku wehlinayeen danjiraha iyo lataliyahiisa dhinaca dalxiiska Yaasir Bafo.

Wasiir Yariisow ayaa sheegay in Shirkaas ay la tagi doonaan dhiirro gelinta dalxiisayaasha Soomaalida iyo Ajanabiga leh ee dibadda jira,waxaana uu xusay in ay ka shaqeynayaan horumarinta dalxiiska Soomaaliya.