Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Southampton & Man Utd oo bar-baro gool la’aan ah ku kala baxay.

Southampton & Man Utd oo bar-baro gool la’aan ah ku kala baxay.

Gool haye Sergio Romero ayaa bad-baadiyay rigoore xilli kooxdiisa bar-bardhac gool la’aan 0:0 ah ay ku kala baxeen labada koox kulankaa oo ka dhacay St Marry Stadium.

Kooxda Saints-ka lagu naaneyso ayaa ciyaarta hogaankeeda qaban kartay 5 daqiiqo oo kaliya markii ay socotay kadib qalad uu galay Eric Bailly , balse rigoorihii loo dhigay Southampton waxaa qasaariyay Manolo Gabbiadini.

Gool hayaha dooqa labaad ee kooxda Manchester United Sergio Romero ayaa kulankii xalay sameeyay bad-baadin dhowr ah waxaana uu noqday ciyaar yahankii kulanka ugu wanaagsanaa.

Sidoo kale Sergio Romero sanadkan waxaa uu saftay 17 kulan kulamada Manchester United kaliya 6 gool ayaana laga dhaliyay , sidoo kale kulankii xalay waxa uu ahaa kulankiisii labaad ee horyaalka xilli ciyaareedkan.

Rikooradii laga bartay kulanka :-

  • Kooxda Manchester United ayaa bar-bar dhac gashay 15 kulan xilli ciyaareedkan waana markii ugu badneyd oo ay hal xilli ciyaareed intaasoo kulan bar-baro galaan tan iyo 1991-1992 markaas oo ay sidan oo kale 15 kulan bar-baro galeen kulamada horyaalka.
  • Kooxda Southampton ayaa kulankii xalay sameysay 6 shoot oo bartilmaameed ahaa kaliya kooxda Tottenham oo axadii 7 jeer kubad bartilmaameed ku ah goolka tuurtay ayaa ka sareysa Dhamaan tar-tamada Manchester United la wajahayo xilli ciyaareedkan.
  • Goolkii rigooraha ahaa ee uu xalay qasaariyay Gabbiadini waxa uu la micno ahaa in koox Saints-ku ay qasaariyaan Saddexdii rigoore ee ugu dambeeyay oo lagu abaal mariyay waxaana ay kala yihiin Dusan Tadic oo rigoore qasaariyay kulankii Hull City & Shane Long oo isna qasaariyay kulankii Middlesbrough.
  • Sergio Romero ayaa noqday gool hayihii 8-aad ee kooxda Manchester United oo rigoore bad-baadiya Premier League , sidoo kale waa markii ugu horeysay tan iyo David De Gea oo rigoore bad-baadiyay kulan uu wajahay kooxda Everton kaasi oo dhacay bishii October 2014.
  • Kooxda Southampton ayaa wajahday 4 kulan oo kooxaha sare ah waxaana ay ku dhamaadeen gool la’aan waana markii ugu horeysay taariiqda oo ay sidaa sameeyaan.
  • Manchester United xitaa hadii ay guuleystaan kulankooda uharay waxa ay noqoneysaa inay horyaalka ku dhameystaan guulahoodii ugu yaraa oo 17 jeer oo kaliya ayey guuleysanayaan tan iyo 1990-1991 markaa oo ay 16 kulan guuleysteen.