Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Steven Gerrard & xidigo kale oo dib uxiranaya maaliyada Liverpool.

Steven Gerrard & xidigo kale oo dib uxiranaya maaliyada Liverpool.

Kabtankii hore ee kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Saddexda Libaax ayaa mar kale xiran doona maaliyadda Reds markaa oo ay kooxda macalin Jurgen Klopp usafrayaan Australia bisha May ee soo aadan.

Steven Gerrard , Jamie Carragher , Daniel Agger & Steve McManaman ayaa dhamaan qeyb ka noqon doona safarka Reds ee kulanka ka horeeya xilli ciyaareedka kulamadiisa saaxiibtinimo ay la ciyaari doonaan kooxda Sydney FC bisha soo aadan.

Steven Gerrard ayaa ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah bishii November ee sanadkii hore , halyeeyga Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inuu xagaaga dambe noqon doono macalinka 18 jirada Liverpool.

Gerrard ayaa shaqadiisa cusub ka hor waxa uu la ciyaari doonaa xidigaha Reds ee iminka sida Philipe Coutinho iyo Robert Firmino.

Steven oo ka hadlayay kulankaa ayaa yiri., “Waxaa jira taageerayaal badan oo Liverpool ah kuwaasi oo ku sugan Australia waxa ay noqon doontaa maalin weyn inaga iyo taageerayaasheena Australia waxaan sugeynaa 24 May iyo ANZ Stadium”.

Kooxda Liverpool ayaa iminka ku jirta booska Saddexaad ee kala sareynta horyaalka England Premier League waxaana ay doonayaan in xagaaga dambe ay kasoo muuqdaan tar-tanka Uefa Champions League.

Horyaalka sanadkan waxa uu marayaa heer gaba gabo ah waxaana ka harsan oo kaliya 6 kulan , kulankooda ugu soo horeeya waxa ay la ciyaarayaan kooxda Crystal Palace Axada soo socota.