Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Tababare Ernesto Valverde: Oo Ka hadlay Arinta Antoine Griezmann ee Barcelona”

Tababare Ernesto Valverde: Oo Ka hadlay Arinta Antoine Griezmann ee Barcelona”

W/D: ( @AbdulahiHusein_  ) Intii lagu jiray kulamada caalamiga ah ee xulalka qaramada aduunka waxaa soo baxayay warar badan oo ay saxaafada Spain qoraysay kuwaas oo sheegayay in maamulka Camp Nou ay diyaarsadeen heshiiskii ay kula soo wareegi lahayeen xidiga kooxda Atletico Madrid iyo xulka qaranka France ee Antoine Griezmann halka sidoo kale ay soo baxayeen warar xusayay in Lionel Messi uu heshiiskan ka soo horjeedo maadaama oo uu doonayo in Suarez uu weerarka kula midaysnaado.

Laakiin tababare Ernesto Valverde shirkiisa jaraa’id ee ka horeeyay kulanka Leganes ee horyaalka La Liga waxaa lagu waydiiyay haddii kooxdiisa Barcelona ay la soo saxiixanayso Antoine Griezmann. Valverde ayaan saxaafada albaabka u furin si ay su’aalo kale u sii waydiiyaan wuxuuna sheegay in Antoine Griezmann uu ciyaartoy aad u fiican yahay balse uu diirada saarayo kuwa uu hadda Camp Nou ku haysto.

Ernesto Valverde oo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay haddii ay run yihiin wararka Barcelona la xiririnaya Griezmann ayaa yiri: “Isagu waa ciyaartoy fiican markastana ciyaartoyda waxaa lala xidhiidhayaa Barcelona kuwaas oo ah ciyaartoy fiican. Anigu waxaan ku faraxsanahay kuwa aan haysto, mustaqbalka waynu arki doonaa”.

Hadalka Ernesto Valverde ayaa u muuqda mid aan meesha ka saarin haddii ay kooxdiisu mustaqbalka la soo wareegi doonto Griezmann. Warar ay saxaafada Spain qortay ayaa sheegayay in Barcelona ay doonayso sidii ay bisha January ula soo saxiixan lahayd Philippe Coutinho balse haddii ay taasi awoodi waydo in xagaaga oo ah dhamaadka xili ciyaareedkan ay Griezmann u jeedsan doonto.

Barcelona ayaa doonaysa in Antoine Griezmann ay kula tartanto kooxaha Manchester United iyo PSG inkasta oo la sheegay in Lionel Messi uu si xoogan u aaminsan yahay Luis Suarez kaas oo aan xili ciyaareedkan ku jirin qaab ciyaareed fiican.

Valverde iyo kooxdiisa Barcelona ayaa isku diyaarinaya kulakna Leganes ee horyaalka La Liga kadib markii ay ka soo laabteen kulamadii caalamiga ahaa ee ay ciyaartoyda kooxdiisu ku maqnaayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*