Home - Wararka Somalia - Taliyihii Saldhigga Gaalkacyo oo u dhintay qarax lagu xiray Gaarigiisa

Taliyihii Saldhigga Gaalkacyo oo u dhintay qarax lagu xiray Gaarigiisa

Cali Ibraahim Cali oo kumagaca dheeraa (Cali Magafe)ayaa u geeriyooday dhaawac saaka ka soo gaaray Qarax loogu xiray Gaari uu watay oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Cali ayaa xilliga uu Qaraxa dhacayay marayay Duleedka Madaxtooyada Gaalkacyo qeybta Puntland,waxaana uu ku sii jeeday shaqada.

Xilliga uu Qaraxa qabsanayay uu ku soo jeeday xafiiska shaqada isaga oo ka soo baxay Gurigiisa,waxaana uu ku qabsaday agagaarka Madaxtooyada Gaalkacyo ee Puntland.

Geeridaha taliyihii qeybta Gaalkacyo ee Puntland ayaa ku soo aadday iyada oo Magaalada amnigeeda ay la wareegeen Ciidamo isku dhaf ah oo Puntland iyo Galmudug ka kala scoda.

Ciidamada Puntland ayaa degaankaas ka billaabay howlgal ay ku raadinayaan ciddii ka dambeysay qaraxa lagu xiray Gaariga Taliyihii hore ee Saldhigga Gaalkacyo.

Xarakada Al-shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Taliyihii qeybta Booliska ee Saldhigga Gaalkacyo Cali Magafe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*