Home - Wararka Somalia - Trump oo Itoobiya uga digay in Somalida ay Fiisaha Itoobiya ku galaan Mareykanka

Trump oo Itoobiya uga digay in Somalida ay Fiisaha Itoobiya ku galaan Mareykanka

Adis ababa: Dowladda Mareykanka ayaa digniin adag u dirtay Dowladda Itoobiya taas oo la xiriirta Fiisaha Itoobiya ee Dadka ka soo jeeda Soomaaliya iyo Suudaan ka qaataan Magaalada Adis ababa ee Waddanka Itoobiya.

Mareykanka waxaa uu xayiraad dhanka socdaalka ah saaray 6 Waddan oo ay ku jiraan Soomaaliya,Suudaan iyo Yemen,waxaana dadka waddamadaasay billaabeen in ay waddamo kale ka dhoofaan iyaga oo gelay Mareykanka.

Laanta socdaalka ee Mareykanka aya safaaraddeeda Adis ababa ku wargelisay in ay jiraan Ardey badan oo Itoobiyaan ah oo fiisaha waddankaas ku gala Mareykana iyaga oo sidoo kalena ka iibsada Muwaaddiniinta Waddamada ku jira liiska uu mamnuucay Mareykanka.

Safaaradda ayaa warbixin ay daabacday  lagu sheegay in ay ka digeyso in Dadk Itoobiyaanka ah ay sameeyaan qiyaamo fiiso bixin ah iyaga oo lacago uga qaadanaya dadka ka soo jeeda Soomaaliya iyo Suudaan oo Itoobiya deris la ah.

Itoobiya kuma jirto liiska Waddamada ay saameystay wareegtada Trump oo muwaaddiniinta 7; dal uga mamnuucay in ay galaan Waddanka Mareykanbka muddo 90; maalmood ah.

Itoobiyaanka ayaa inta badan Mareykanka u aada dib u dejin,Waxbarasho iyo booqashada ehelkooda deggan mareykanka.

Safaaraddu waxaa ay sheegtay in aysan heyn liiska tirada saxda ah ee Itoobiyaanka ku noo, Dalka Mareykanka,taasna ay sahli karto in muwaaddiniinta la deriska ah Itoobiya ee ay xariyaaddu saameysay ay ka faa’ideystaan oo ay Mareykanka ku galaan fiiso la musuq maasuqay.

Ad