Home - Wararka Somalia - Trump oo Quddus u aqoonsaday Caasimadda Yuhuudda

Trump oo Quddus u aqoonsaday Caasimadda Yuhuudda

Madaxweynaha Mareykanka Donald  J.Trump ayaa saxiixay Wareegto uu Magaalada Barakeysan ee Quddus ugu aqoonsaday Caasimadda Maamulka Yuhuudda.

Mr Trump ayaa ku doodaya in go’aankan uu yahay mid horseedaya xal kama dambeys ah oo laga gaaro muranka Israel iyo Falastiin.

Madaxda Caalamka ayaa ka bixiyay jawaabo kala duwan waxaana ka mid ah Madaxweynaha Tyrukiga,Boqorka Jordan,Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey iyo Ra’isalwasaaraha Yuhuudda.

Boqorka Jordan ayaa booqasho deg deg ah ku tagay Turkiga waxaana uu kala hadlayaa madaxda Turkiga waxa laga yeelayo,sidoo kale Falastiiniyiinta ayaa ku baaqay kacdoon ka dhan ah Israel.

Sucuudiga iyo Iraan ayaa cambaareeyay,tusaale Iraan ayaa sheegtay in midnimada Muslmiinta loo baahanyahay si loo difaaco Quddus,Dowladaha Faransiiska,Ingiriiska iyo kuwo kale ayaa ku dhawaaqay kulan deg deg ah oo ay yeeshaan golaha amaanka.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in Trump uu jebiyay xeerarka Caalamiga ah islamarkaana colaad ka hurinayo bariga dhexe.

Ururka Xamaas ayaa sheegay in go’aanka Trump uu naar ku noqon doono Mareykanka iyo dadka taabacsan,Qadar ayaa sheegtay in go’aankaas gef ku yahay Islaamka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*