Home - Amaanka - Turkiga oo ciidan u tababaraya Kenya

Turkiga oo ciidan u tababaraya Kenya

Dowladda Turkiga ayaa waxaa uu Ciidamo u tababarayaa Dalka Kenya,kuwaas oo ka shaqeynaya ka hortagga Dambiyada,waxaa ay u badanyihiin Boolis ka mid noqonaya kuwa Kenya.

Hay’adda  Xiriirka iyo kaalmada dibadda Turkiga ee TIKA ayaa qabaneysa shaqada tababarka Booliska Kenya ee ka hortagga la dagaallanka Dambiyada.

Emre Yuksek,, oo ah isku duwaha Hay’adda TIKA ee Turkiga ayaa sheegay in saraakiisha ka socota dalkiisa ay bixinayaan casharro dhinaca ka hortagga dambiyada ah sidoo kalena ay Booliska Kenya ka gacansiinayaan sidii loo dhimi lahaa rabshada dambiyada ay ka dhashaan.

Waxaa uu sheegay in Barnaamijka ay TIKA ka fulineyso Kenya uu yahay mid Caalami ah oo ay Hay’addo ka sameyso dalal badan oo Caalamka ah.

Tababarradan waxaa kale oo ku jira ka hortagga falalka argagixisada ah,xatooyada uu heerkeedu sarreeyo iyo waxyaabaha la midka ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay Barnaamijkan oo uu ku sheegay in uu yahay mid u wanaagsan Ciidanka Kenya ee Booliska ah ugana faa’ideysanayaan dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab.