Home - Wararka Somalia - Turkish Airlines : Somaliya waa halka noogu faa’idada badan Afrika”

Turkish Airlines : Somaliya waa halka noogu faa’idada badan Afrika”

Mustafa Ozkahraman,oo ah Maamulaha Turkish Airlines ee Kenya oo wareysi siiyay Reuters ayaa sheegay in Somaliya ay ugu horreyso meelaha ay ka faa’idaan duullimaadyadooda Afrika.

Waxaa uu sheegay in Turkish Airlines ay tahay Sharikadda kaliya ee Caalamiga ah ee ka howlgasha Soomaaliya islamarkaana aysan Sharikadaha kale u heysan in Soomaaliya lacag iyo Ganacsi laga sameyn karo.

14; Dal oo Afrika ah ayuu sheegay in ay duullimaad ku marto iyada oo sameysa 52; duullimaad oo Istanbuul iyo Afrika u dhaxeeya.

lixdii bilood ee ugu horreeyay Sanadkan 2017 ayuu sheegay in Sharikaddiisu ay Afrika ka heshay Dakhli gaaraya $434 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

Sharikadda Turkish Airlines ay 49% Dowladda leedahay taas oo ay adeegsadaan Rukun dhan 1Bilyan oo qof Caalamka oo dhan Sanadkiiba.

 

One comment

  1. NpbxNs This awesome blog is obviously interesting and informative. I have found a lot of helpful advices out of this source. I ad love to return again and again. Cheers!