Guddiga shaqaaleynta Macallimiinta Dalka Kenya ee TCS ayaa waxaa ay sheegeen in ay qabteen codsiyada in ka badan 2,000 oo Qof oo doonaya in ay noqdaan Macallimiin wax ka dhiga dugsiyada Magaalada Wajeer.
Guddiga ayaa u baahan islamarkaana xayeysiiyay 900 oo Boos oo macallinimo ah,waxaana ay qabteen 2,000 oo codsi.
Guddiga waxaa ay sheegayaan in kala bar dadkaas ay codsadeen shaqada Dugsiyada hoose iyo dhaxe halka inta soo hartayna ay codsadeen Dugsiyada sare.
Arrintan waxaa ay dhalatay kaddib markii Al-shabaab ay weerareen macallimiinta aan u dhalan waqooyi bari taas waxaa ay sababtay in ay isaga baxaan Gobolka.
Guddoomiyaha Guddiga shaqaaleysiinta Wajeer Nancy Macharia ,waxaa ay sheegtay in 585 Bare ay u rabaan Dugsiyada hoose halka 315 Barena ay u rabaan dugsiyada sare.
Waxaa ay sheegtay in ay dib u eegi doonaan codsiyada dhamaan dadka soo codsaday islamarkaana ay kala bixi doonaan 900 qof ee ay ubaahanyihiin.