Home - Wararka Somalia - War deg deg ah: Injineer Yariisow oo loo magacaabay Duqa Muqdisho

War deg deg ah: Injineer Yariisow oo loo magacaabay Duqa Muqdisho

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilka looga qaaday Thaaibid Cabdi Maxamed waxaana xilkaas loo magacaabay Wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Sidoo kale Maxamed Cabdullahi Maxamed oo loo magacaabay Amniga iyo Siyaasadda,halka Xuseen Maxamed Nuur loo magacaabay Maamulka iyo Maliyadda Gobolka Banaadir,sidoo kale Basma Cumar ayaa loo magacaabay arrimaha bulshada iyo wacyi gelinta Gobolka Banaadir.

Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud halka Xoghayaha Gobolka Loomagacaabay  Cumar C/Risaaq Xuseen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareegtadiisa xilka uga qaaday Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed,kaas oo isla xalay isna Shir uu ku qabtay Muqdisho lagu sheegay in loo doortay Duqa Muqdisho labada sano ee soo socota.

Filo wixii soo kordha