Home - Wararka Somalia - WAREYSI: Xildhibaanada la jooga xiligan Jawaari oo Beeniyay inuu Gudoomiyaha iscasilayo.

WAREYSI: Xildhibaanada la jooga xiligan Jawaari oo Beeniyay inuu Gudoomiyaha iscasilayo.

Xildhibaanada taageersan Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayaa ka hadlay Warar Saacadihii la soo dhaafay lala wareegayay baraha Bulshada.

Facebooka ayaa lagu soo qoray warar la xiriira in Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jawaari uu ugu danbeyn aqbalay inuu iska casilo xilka uu Qaranka uhayay, Wararkaasi ayaa waxaa soo qorayay dhalinyaro fara badan iyadoo dadka ay ku Jahwareereen.

Xildhibaano xiligan la Jooga Gudoomiye Jawaari oo kula sugan Xarunta Villa Hargeysa ayaa inoo Sheegay ineysan wax ka jirin wararkan oo ay yihiin kuwo dhanka Xukuumada ka yimid.

Xildhibaan Daahir Cabdi C/llaahi (Dr Goo) ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal  in dadka wararkaas la wareegaya Baraha Bulshada ay yihiin dhalinyaro dhaqaale lagu siiya Dacaayadeynta Gudoomiye Jawaari, Balse Gudoomiyaha aaney suura gal ka eheyn inuu is casilo oo uu sharci ku taaganyahay.

Dr Goo ayaa Sheegay in Gudoomiye Jawaari uu ogolyahay oo kaliya in lagu kala Boxo Sharciga  balse uusan ogolaaneynin in xal hoose arinta lagu dhameeyo amaba uu is casilo.

Sidoo Kale Xildhibaan Caasha Koos iyo Xildhibaan Ilyaas oo iyaguna la Jooga Gudoomiye Jawaari ayaa dhankood beeniyay Wararka la xiriria inuu Gudoomiyaha Golaha Shacabka is casilayo, Sidoo Kale Xildhibaan C/Qaadir Cosoble oo bartiisa Twitteka qoraal soo galiyay ayaa sheegay inuu la xiriiray Jawaari, uuna usheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo runta ka fog.

Si Kastaba dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale Baraha Bulshada la soo dhigay warar la xiriira inuu iscasilayo Gudoomiye Jawaari waloow Gudoomiyaha laftiisa uu hore ubeeniyay arintan.

Halkan ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Daahir Goo.

      WAREYSIGA XILDHIBAAN DAAHIR GOO

 

2 comments

  1. Great, thanks for sharing this blog post.Really looking forward to read more. Cool.

  2. I am so grateful for your article.Much thanks again. Will read on…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*