Home - Banaadir - Wasiir Cawad “Wada hadal ayaa u socdo Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka”.

Wasiir Cawad “Wada hadal ayaa u socdo Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay VOA ayaa sheegay in wada hadal uu u socdo Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Waxa uu sheegay in Madaxda labada Dal oo Sacuudiga ku sugan ee ka wada qeyb galay shirkii 29-aad ee Madaxda Jaamacadda Carabta ay toos ugu wada hadlayaan Xurgufta ka dhaxeysa.

Cawad ayaa Meesha ka saaray Wada Xaajood laga dhex wado labada labada dal, balse waxa uu sheegay in uu u socdo wada hadal uusan sheegin xiliga uu ku eg yahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa mar la weydiiyay Go’aankii Imaaraatka ay ku joojisay Kaalmadii ay sii neysay iyo Tababarkii Ciidamada Dowladda waxa uu sheegay in aanan wali warkaasi gaarin oo aanan ka war heyn.

Waa uu sii hadlay waxa uuna meesha ka saaray in Imaaraatka ay Soomaaliya ka gudbiyeen Dacwad ka dhan ah, labada dalna ay ka wada hadli doonaan waxyaabaha ay kala tabanayaan.

Sacuudiga ayaa kahor shirkii shalay ka dhacay Magaalada Dhahran sheegay in uu dhex dhexaadinayo Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka oo Saaxiibo la ah, si loo dhameeyo Xiriirka labada dal oo Muddooyinkaan sii xumaanayay.

3 comments

  1. Thanks-a-mundo for the article post.Thanks Again. Really Cool.

  2. A round of applause for your blog.Really looking forward to read more. Will read on…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*