Home - Wararka Somalia - Wasiir Qarjab iyo Ciidan uu wato oo gaaray meel u dhow Galgala

Wasiir Qarjab iyo Ciidan uu wato oo gaaray meel u dhow Galgala

Ciidamadan ayaa ka soo dhaqaaqay Magaalada Boosaaso iyo degmada Qandalla ee Gobolka Bari waxeyna ujeedkoodu yahay sidii Daacish looga saari lahaa Beeraha Galgala.

Puntland ayaa dhowr jeer ooh ore sameeyay isku dayo ay ku dooneysay iney ku gasho Buurahaas balse waa ay ku guul dareysatay Kadib markii iska cabin xoogan kala kulmeen Dagaalyahanada ku xoogeysan deegaanadaas.

Ciidamadan waxaa ay isku dayayaan in Al-shabaab iyo Daacish ka saaraan Buuraleyda Gobolka Bari halkaas oo ay degeen Sanadkii 2010kii tan iyo xilligaasna ay ka dhacayeen weerarro gaadmo ah.

8ddii Juun Al-shabaab ayaa weerar ku ekeeyay saldhig Ciidanka Puntland ku lahaayeen degaan lagu magacaabo Af-urur oo u dhow Buuraha Galgala,waxaana halkaas ku dhintay in ka badan 60 Askari iyada oo Saanaddii taallayna ay horay u qaateen Al-shabaab.

Puntland oo taas ka carreysan ayaa Jimcihii toogatay 7 Qof oo ay sheegtay in lagu helay Al-shabaabnimo,waxaana ay qaarkood sheegtay in ay dileen mas’uuliyiin ka mid ahaa maamulka Puntland.