Home - Wararka Somalia - Wasiirka Amniga oo dib u furay Waddada Shaqaalaha ilaa KPP

Wasiirka Amniga oo dib u furay Waddada Shaqaalaha ilaa KPP

Wasiirka Amniga XUkuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa maanta dib u furay Waddada shaqaalaha ee isku xirta Isgoysyada Shaqaalaha iyo KPP ee Degmada Hodon.

Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Amniga,Guddoomiyaha Gobolka iyo guddoomiyaha Degmada Hodon,ayaa waxaa dib u fureen Waddadan.

Waddadan,Sanadkii 2016kii ayaa dib u dhis lagu sameeyay waxaana ay u xiranetd Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka iyo Wasiirka Amniga ayaa furay Waddada.
Markii dhismaheeda la dhameeyay 2016kii waxaa dib u furay Madwxeynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa shaqaalaha laanta socdaalka u sheegay in aysan shaqeysan karin,ilaa xarunta dayactir looga sameynayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*