Home - Wararka Somalia - Wasiirka Amniga oo Kismaayo uga qeybgalaya shirka Amniga Dalka

Wasiirka Amniga oo Kismaayo uga qeybgalaya shirka Amniga Dalka

Wefdiga Wasiirka oo ka amba baxay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa Garoonka Axmed Gurey ee Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid ahaa Wasiirka Amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan C/nuur (Janan).

Wasiirka Amniga Jubbaland, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in Garoonka Axmed Gurey uu ku soo dhaweeyo Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Somaliya.

Wasiirka Amniga Somaliya, ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhawaynta ay Magaalada Kismaayo ugu sameeyeen xubnaha uu horkacayay Wasiir Janan.

Wasiir Ducaale, ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in Magaalada Kismaayo uu u tagay, sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro Ururka Al Shabaab.

Kismaayo waxaa maanta ka furmay shir ay leeyihiin Wasiirada Amniga ee Maamul Goboleedyada Dalka ka dhisan, kaasoo looga hadlayo amniga wadanka iyo in halmeel looga soo wada jeesto Al Shabaab.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Amniga Somaliya oo socdaalka ugaga sii horeeyay Wasiir Isloow ayaa sheegay in shirka ay goobjoog ka yihiin Wasiirada amniga dowladd Goboleedyada, Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir iyo xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Shirkan ayuu ka Muujiyo yidadiilo ku aadan inuu noqdo Mid mira dhala.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*