Home - Wararka Somalia - Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta oo baaq u diray Ganacsatada

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta oo baaq u diray Ganacsatada

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayay munaasibadda dib u soo celinta Internetka ee Muqdisho iyo koofurta Soomaaliya ayaa baaq u diray Ganacsatada Soomaaliyeed ee maalgashta Sharikadaha Internetka.

Wasiirku waxaa uu ganacsatada ugu baaqay in ay badiyaan Fiilooyinka keena Internetka ee soo gala Soomaaliya si haddii mid cillad gaarto kuwa kale loo adeegsado oo aan loogu baahan sida hadda dhacday oo kale.

Waxaa uu sidoo kale ganacsatada uga digay in aysan dhicin cilladda Internetka ku dhacday hadda oo kale sidaa darteedna ganacsatada laga rabo in ay ka feejignaadaan arrintaas.

Wasiirku waxaa uu horay u sheegay in Maalinkiiba Qadka Internetka ee maqan ay ku baxeysay $10 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah taas oo khasaare ku ahayd dalka.